Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo walaac ka muujisay xasiloonida Gobolka

Brussels (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Jimcihii (February 2) kaga qayb galay shirkii 3-aad ee Madasha Wasiirada ee Indo-Pacific ee Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa walaac ka muujiyay xasiloonida Gobolka.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada arrimaha caalamka iyadoo kaashanaysa dalalka Midowga Yurub, isaga oo hoosta ka xariiqay dadaallada xoogan ee Soomaaliya si wax loogu qabto isbeddelka cimilada, deganaanshaha siyaasadda, hormarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Cumar ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah, ayna ilaaliso midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ku booriyay Addis Ababa inay door wax ku ool ah ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Gobolka, halkii ay hurin lahayd xiisad cusub oo ka abuuranta Bariga Afrika.

Cali Cumar ayaa la yeeshay wada-hadallo laba geesood ah madaxda ka kala socotay dalalka Jabuuti, Masar, Kenya, Mauritius, Koonfur Afrika, iyo Tanzania, isagoo la socodsiiyay walaaca ay Soomaaliya ka qabto tallaabooyinka Itoobiya ee xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay, Luminița Odobescu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Romania, Tanja Fajon, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Slovenia, iyo Giorgos Gerapetritis, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriiga.

Soomaaliya ayaa dadaal diblomaasiyadeed oo xoogan ku bixisay sidii looga hortegi lahaa heshiiskii Badda ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen kowdii bishii January ee lasoo dhaafay, si ay Itoobiya u hesho Bad ay u adeegsato ganacsi iyo saldhig ciidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here