Saturday, July 27, 2024

Waa maxay sharciga la dagaallanka burcad badeedka iyo Afduubka ee la ansixiyay?

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 26-ka bishaan October, sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortagga afduubka.

Xeerkani waxa uu wax ka beddelayaa Xeerki 1975, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa kulankoodi todobaad laha ah (Khasmiisti) ku meel mariyay sharcigaan, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu ogaado laguna xakameeyo dambiyada la xiriira burcad badeedka iyo afduubka, iyadoo sare loo qaadayo ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah iyada oo sidoo kale ciqaab caddaalad ah la marsiin doono dadka lagu helo dambiyadaas.

Dhaqangelinta sharcigan ayaa noqon doonta dadaal istaraatiijiyadeed oo muhiim ah laguna xakameynayo dhaqdhaqaaqyada burcad-badeednimada iyo xaqiijinta hannaan garsoor oo caddaalad hufan, looguna talagalay eedeysanayaasha iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin, ayaa tilmaamay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha la xiriira arrimaha badda, asagoo sheegay in ay lama huraan tahay in sharciyada Soomaaliya ay la jaan qaadaan heerarka caalamiga ah oo ay daboolaan baahiyaha sharci ee bulshada.

Hindise sharciyeedkaan ayaa ku soo beegmaya xilli kalluumeysiga sharci darrada ah uu si weyn ugu baahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay kaga hortagayso dambiyada la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad-badeednimada iyo afduubka.

Bishii hore, Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray amaro adag oo lagu beegsanayo warshadaha kalluumeysiga, milkiilayaasha doomaha, iyo kalluumaysatada si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa badda.

Booliska ayaa kusoo rogay bandow bilaabanaya 6:00 maqribnimo doomaha ka howlgala inta u dhaxeysa Xeebta Jazeera iyo dekeda Liido, waxaana la faray dhammaan doomaha in lagu sameeyo baaritaan amni marka ay soo galaan dekedaha.

Bishii Agoosto, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa xukuntay 36 nin oo Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen Badda Soomaaliya. Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid kasta $12,000, taasoo keentay in dhammaan eedaysanayaasha lagu xukumo ganaax dhan $432,000.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here