Saturday, July 27, 2024

Caasimadda Jabuuti oo la dhireynayo si looga hortago isbeddelka cimilada

Jabuuti (Dawan)- Caasimada Jabuuti waxaa ka furmay ololaha Dhir-beerista, waxaana kasoo qeeyb galay munasabadaas Madaxda caasimada iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka Jabuuti.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu dhawaan Ra’iisulwasaraha Jabuuti Cabdulkaadir Kaamil Maxamad faray maamulka caasimadda Jabuuti in la dardar geliyo ololaha Dhir-beerista waddooyinka caasimadda Jabuuti si bilicda Magaalada kor loogu qaado sidoo kalena ay uga qeyb qaadato dagaalka lagula jiro isbeddelka cimilada.

Waxaa laga fuliyey ololahaan Dhir-beerista degmooyinka Balbala, Bulcoows iyo Raasdiiga.

Duqa caasimadda Jabuuti, Cabdi Qiyaad, ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan ololaha Dhir-beerista caasimadda, iyada oo la qorsheynayo in mustaqbalka dhaw laga hirgeliyo caasimadda beerista 5000 oo geed.

Qaar kamid ah Golaha Deegaanka oo fuliyey howshan ayaa amaray shacabka in ay ilaaliyaan geedaha la beeray iyaga oo ka ilaalinaya in xooluhu waxyeello soo gaarsiiyaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here