Saturday, July 27, 2024

Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda oo xilka laga qaaday

Muqdisho (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu sheegay in xilkii Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda laga qaaday Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.

” Maanta oo ay taariikhdu tahay 15- October 2023, waxa uu Madaxweyne Dr. Xassan Sheekh Maxamuud xilkii ka qaaday Guddoomiyhii Jamacadda Umadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, iyadoo loo magacaabay xilka sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144″ ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Wasaaradda .
Qoraalka ayaa intaas raaciyay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal.

Bishii April, 2021, ayaa Dr Xasan Cumar Mahad-Allah loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda.

Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, ayaa aad u dhaliilay hannaanka Waxbarashada Sare ee dalka kadib markii uu ka qeyb galay shirkii uu soo agaasimay Machadka Heritage ee looga doodayay Waxbarashada Soomaaliya.

Xil ka qaadistaan ayaa imaaneysa iyada oo maalmihii lasoo dhaafay la isla dhax qaadayay in Macallin ka mid ah Macallimiinta Jaamacadda uu u goostay Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya in ka badan 15 sano.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here