Saturday, July 27, 2024

Kenya: Nin iska dhigi jiray Abuukaate kuna guuleystay 26 kiis oo la xiray

Nairobi (Dawan)- Laamaha amniga ee Kenya ayaa ku guuleystay in ay soo xiraan nin lagu magacaabo Brian Mwenda, kaas oo iska dhigi jiray inuu yahay Abuukaate.

Arrinka yaabka leh ayaa ah in Brian Mwenda, uu ku guuleystay 26 kiis, isaga oo hortegay maxkamadaha kala duwan ee dalka Kenya sida Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Racfaanka.

Ururka Qareenada Kenya ayaa sheegay in Brian Mwenda, uusan ka mid ahayn Qareenada Kenya sidoo kalena uusan heysan ruqsad u oggolaaneysa inuu ku shaqeeyo Abuukaatanimo.

Ururka ayaa sidoo kale caddeeyay in ninkaan uusan heysan shaahdo muujineysa inuu soo bartay Shariciga ama Qaanuunka si uu u noqdo Abuukaate.

Brian Mwenda, ayaa hadda xiran waxana la weydiinaya su’aalo la xiriirta waxyaabaha ku kallifay inuu si been abuur ah ugu shaqeysto Abuukaatanimada.

Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa sheegay in Brian Mwenda, uu xaday dokumiintiyada Abuukaate kale oo ay isku magacyihiin kadibna soo sameysatay kaararka u fududeyn kara shaqadaan.

Mwenda ayaa awooday in muddo ah inuu isu muujiyo inuu yahay qareen dhab ah, wuxuuna ka qeyb qaatay kiisas kala duwan iyada oo aysan Garsoorayaashu ka shakin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here