Saturday, July 27, 2024

Cali Balcad oo Itoobiya u gaaray ka qeyb galka shirka golaha fulinta ee M/ Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta gaaray markii ugu horeysay Magaalada Addis Ababa tan iyo markii uu bilaawaday khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa brtiisa X kusoo qoray, waxaan soo gaaray Addis Ababa, aniga oo guddoomin doona guddiga muhiimka ah ee Wasiirada ee qaabilsan musharaxiinta Afrika ee Hay’adaha caalamiga ah.

Cali Balcad ayaa intaas raaciyay, “Intaa waxaa dheer, waxaan ka qeyb galayaa Shir Madaxeedka 44-aad ee Midowga Afrika oo aan ku meteli doono Soomaaliya”

Shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Addis Ababa maalmaha 14 iyo 15 bishaan February.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa soo kala dhax galay khilaaf xoogaan kadib markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland 1-dii bishii January ee 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa laba maalin ka hor mar kale ku celisay mowqofkeeda diidmada ah ee ku saabsan heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland billaawgii sannadkaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diidday waxa loogu yeero “Heshiiska Is-afgaradka” ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland oo ah Gobol ka tirsan Soomaaliya 1-dii January, 2024” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay inay mawqif adag ka qaataan heshiiskaas sidoo kalena ay cambaareeyaan xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here