Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo ku eedeysay Soomaaliya inay burisay heshiisyadii hawada

Hargeysa (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaraadka ee Somaliland ayaa eed loogu jeediyay Dowladda Soomaaliya, taas oo la xiriira maareynta iyo maamulka Hawada.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay burisay heshiisyo ay labada dhinac hore u gaareen kuwaas oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo Hawada iyo in ay Soomaaliya ku takri fashay in ka badan 60 malyan oo dollar laga soo billaabo 2018

Somaliland waxa ay intaas ku dartay in ay dacwad ka dhan ah Dowlaadda Soomaaliya u gudbisay Hay’addaha Caalamiga ah ee qaabilsan duulimaadyada, waxeyna ballan qaaday in ay difaaci doonto hawadeeda.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeysay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya inay carqalad ku sameeysay duulimaadyo ku wajahnaa Hargeysa oo ay ka mid ahaayen laba diyaaradood oo midna ay saarnaayen wafdi Itoobiyaan ah midda kalena ay ahayd diyaarad nuuca amabalaas.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here