Monday, May 20, 2024

Cali Balcad: Soomaaliya ma aqbaleyso in qeyb ka mid dhulkeeda la qaato

Ankara (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin isku dayga ay Itoobiya ku dooneyso in ay qaadato qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

“ Soomaaliya iyo Itoobiya dhibkii hore ayaa ku filan, waxaan rajeynayaa inaan dib loogu noqonin xaaladaas, Soomaaliya marna ma aqbali doonto isku dayga noocaas oo kale ah, in la qaato qeyb ka mid ah Soomaaliya” ayu yiri, Cali Balcad.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in haddii Itoobiya dooneyso arrimo ganacsi in ay Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay arrinkaas.

Tan iyo markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland 1-dii January , waxa sii xumaanayey xiriirka labada dal ee jaarka ah. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya xaq u siinayo inay Somaliland ka dhisato deked iyada oo Somaliland u aqoonsan doonta dal madax bannaan.

Cali Cumar Balcad waxa uu wareysiga ku sheegay in ay filayeen in ay xiriir wanaagsan lala sameeyn karo Dowladda Itoobiya sanado badan oo colaad ah ka dib, balse waxa uu caddeeyay in heshiiskaas uu meesha ka saaray rajadii la qabay.

“Haddii ay Itoobiya doonayso in ay u hoggaansanto qawaaniinta caalamiga ah, waxaa jira dhowr xeerar oo ilaalinaya habka ay dalalka aan bad lahayn u heli karaan bad,” ayuu raaciyay Cali Balcad.

Sidoo kale, Balcad ayaa si cad u sheegay in heshiiskii dhawaan ay la saxiixdeen Turkiga ee dhanka difaaca iyo dhaqaalaha in uusan wax lug ah ku lahayn xasaradda Itoobiya.

Cali Balcad ayaa yiri, “Waxaan u baahanahay in aan helno qaab aan ku ilaalin karno baddeena…waxaan u baahanahay inaan helno qaab aan ku dhisi karno ciidamo ilaaliya baddeena iyo kheyraadkeena badda, Turkigu waxa uu gacan naga siinayaa dhismaha ciidamo ilaaliya badada”

Wasiirka ayaa inraas raaciyay, “Si loo dhiso ciidamo badeed, waxaad u baahan tahay kharash, dhaqaale badan ayaad u baahan tahay, sidaas ayaan uga jeednaa heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha,”

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa xusay in heshiiskaan uu yahay mid faa’iido u leh labada dal ee uusan wax xiriir ah la lahayn khilaafka Itoobiya.

  • Qaadistii Cunaqabataynta hubka iyo la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiir Balcad waxa uu sheegay in go’aankii Soomaaliya looga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneed in ka badan 30 sano bishii December, in ay ka dhalatay saameyn wanaagsan oo ah dhanka dagaalka ay Dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Cunaqabatayntaan hubka ayaa markii ugu horaysay la saaray dalka Soomaaliya sannadkii 1992-kii.

“Waxaa jira saaxiibo (Dowlado) jeclaan lahaa inay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka ciidamada, balse markii hore waa ay ka labalabeynayeen cunaqabateynta darteed. Hadda arrintaas waa laga saaray meesha, waxaana rajeynaya in Soomaaliya ay hesho hub dheeri ah oo aan marki hore la heli karin” ayuu Balcad ku yiri wareysiga.

Cali Balcad waxa uu xusay in Dowladda uu Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ay hiigsaneyo sidii ay usoo afjari lahayd ilaha ay kooxda Al-Shabaab ka hesho dhaqaalaha iyo in bulshada loo iftiimiyo fikirka ay kooxdu xanbaarsantahay iyada oo la adeegsanyo culumada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here