Monday, May 20, 2024

Cali Balcad: Waxaan leenahay xeelado aan uga hortgano heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Dooxa (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in heshiiska ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland inuu yahay mid sharci darro ah oo ka baxsan xeerarka caalamiga ah, isla markaana meel ka dhac ku ah qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyay Aljazeera Net xilli uu boqasho ku marayay caasimadda Qatar ee Dooxa ayaa tilmaamay in heshiisku siinayo Itoobiya dhul Soomaaliyeed, deked ay ku ganacsato iyo saldhig ciidan, iyaduna ay aqoonsaneyso gooni isu taagga Somaliland, sidaas darteedna uu yahay mid aan ku dhisnayn wax sharci ah.

Wasiirku waxa kale uu xusay in Al-Shabaab ay soo shaacbaxday kadib markii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya sanadihii 2006 ilaa 2007, ayna ka faa’iideysteen caradii ka dhalatay arrintaas, balse Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga saaro Muqdisho.

Sida uu Wasiirku walaaca ku muujiyay, waxaa mar kale laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay fursad ka dhigato heshiiska uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed la saxiixday dhawaan Somaliland.

Mar uu ka hadlayay khataraha hadda ka jira Badda Cas ayuu Cali Maxamed Cumar sheegay in Soomaaliya ay dooneyso bad qabka gaadiidka Badda ee mara Babul Mandab ee ay isaga gooshaan 20% ganacsiga adduunka, balse waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in xal loo helo xad gudubka iyo dhibaatada lagu hayo shacabka Falastiin.

Wareysiga lala yeeshay Wasiirka ayaa u dhacay sidaan:

Muxuu yahay heshiiska is-afgaradka ee dhax maray Itoobiya iyo Gobolka Somaliland?

Ugu horeyn, Hay’ada isu dhigma ayaa heshiis wada geli kara, laakiin Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland iskuma dhigmaan, markaa heshiisku waa sharci-darro, gabi ahaanba khaladan mana waafaqasana halbeegyada xeerarka caalamiga ah.

Marka xiga, haddii aan xitaa qaadano hadalka warbaahintu baahisay in uu run yahay, ma ahan heshiis ganacsi, waxa uuna ka kooban yahay afar qaybood oo kala ah.

Qaybta koowaad: In Itoobiya loo qoondeeyo dhul dhan 90X20 kilomitir oo ay iyadu si madax bannaan u maamulato.
Qaybta labaad: Itoobiya waxay doonaysaa inay ay Badda Cas ku yeelato laba saldhig ciidan oo aysan hadda haysan.
Qaybta saddexaad: Itoobiya waxay awood u yeelanaysaa inay samaysato deked ganacsi oo u gaar ah.
Qaybta afaraad: Intaa beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madaxbannaanida Gobolka Somaliland.

Haddii aynu eegno waxa ay maanta Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya waa amni darro balse saameyn kuma yeelaneyso Dowladnimadeena, ma saameynayaan madax bannaanideena iyo midnimadeena.
Heshiiskaas waxa uu uu saameynaya dhamaan arrimahaas, waana ka khatar badan yahay Al-Shabaab sidaa darteed waa inaan ula dagaalanaa si ka daran sidaan ula dagaalno Kooxda Al-Shabaab.

Waa maxay natiijada booqashadaada hadda ee Dooxa? Wax xiriir ah ma ku leedahay arrimihii ugu dambeeyay ee waqooyiga Soomaaliya?

Booqashadaan waxa ay ahayd mid hore u qorshaysnayd, oo aan uga wada hadaleyno arrimo kala duwan ee labada dhinac quseeya.
Iyadoo safarkaan hore loo qorsheeyay, ayay soo if-baxay mushkiladda “Somaliland” 1-dii January, markii uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed la galay Madaxweynaha Somaliland waxa ay ku magacaabeen heshiis is-afgarad ah.

Ma ahan wax caadi ah in Ra’iisul Wasaare Dowladeed uu heshiis la saxiixdo mas’uul ama madaxweyne Gobol ka tirsan dal kale. Arrintaan ma aha sharci, waxa ay ka baxsantahay xeerarka caalamiga ah, waxeyna ka hor imaaneysa midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Booqashadayda waxaa qeyb ka ahaa in aan arrimahaan kala hadlo walaalaheen Qatar iyo arrimo kale oo ka sii badan, sababtoo ah marka hore waa inaad dadaal diblomaasiyadeed bixisaa, safarkaan ayaana qeyb ka ahaa.

Waa maxay mawqifka Soomaaliya ee khataraha hadda ka jira Badda Cas?

Badda Cas waa marin aad muhiim u ah, waxaana mara qiyaastii 15 ilaa 20% ganacsiga adduunka . Amniga Babul Mandab iyo Badda Cas waa mid aad muhiim u ah, carqalad kasta oo ku timaada waxey horseedeysaa in la gaari waayo meelo badan oo ka mid ah adduunka, kadibna waxaa ka dhalan doona in qiimaha badeecaduhu ay kor u kacaan, walaaca gobolkuna sii bato.

Maanta, waxaan aragnaa Xuutiyiinta oo dhinaca kale ee Badda Cas isku dayaya in ay caawiyaan Falastiiniyiinta. Inkastoo garab istaagooda dadka reer Falastiin ee xasuuqa lagu hayo uu yahay mid wanaagsan, haddana waxaa laga yaabaa in khalkhal geliyo ganacsiga caalamiga ah taas oo aan ahayn qaabkii saxda ahaa ee loo mareyn lahaa arrintaas, sidaas darteed Soomaaliya waxay doonaysaa in ganacsiga caalamku si nabad ah isaga goosho Badda Cas, sidoo kalena waxaan jecelnahay in xal deg-deg ah laga gaaro dhibaatada ka taagan Gaza, si looga hortgo xasuuqa.

Sidee ayay arrintaas u saamaynaysaa ammaanka Soomaaliya?

Hadda waxaad wararka ku maqlaysaa in ay siyaadeen falalkii burcad badeednimada, inkasta oo ay Soomaaliya ka joogsatay 7-sano ka hor. Hadda in howlaha burcad badeednimada la dareemo waxaa sabab u ah amni darrada ka jirta Gobolka.

Haddii amnigu meel ka xumaado waxa ay saamaynaysaa deriskeeda, waana hubaal inay saamaynayso Soomaaliya.

Al-Shabaab ma ku tahay halis xasiloonida dalka weli? Mise jiritaankooda waxa uu ku koobanyahay meel ka fog caasimadda Muqdisho?

Waa inaan marka hore ka hadalnaa sababta ay Al-Shabaab ku dhalatay, waxay soo shaacbaxday kadib markii ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya 2006 ilaa 2007, waxayna ka faa’iideysteen caradii ka dhalatay arrintaas. 16-kii sano ee la soo dhaafay ayay Dowladda Soomaaliya dagaal kula jirtay kooxdaas.

12-kii bilood ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxaan ka fogeynay magaalada Muqdisho ku dhawaad 500 oo KM, inaga oo u fogeynay dhanka Gobolka Mudug, waxaana kasoo hoynay guulo la taaban karo balse wixii dhacay 1-dii Janaayo ayaa diiraddeyna weeciyey, waxaana ka walaacsanahay haddii aan la xallin dhibaatadaan, in markale ay Al-Shabaab soo xoogeysato.. .

Sidoo kale, Xiisadda ka taagan Waqooyiga Soomaaliya oo ay Itoobiya isku dayayso inay dhul ka hesho ayaa laga yaabaa inay keento kacdoon kale, kaddibna ay Al-shabaab ka qorato ciidan.

Sidaas darteed, joogitaanka Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi ee Soomaaliya iyo joogitaanka Xuutiyiinta ee dhinaca kale ee Badda Cas, waxa hubaal ah inay xiri doonaan gabi ahaanba marin-badeedkan.

Maanta, dadku waxay aad ugu mashquulsan yihiin dagaallada Gaza iyo Ukraine, laakiin waxa ka dhici doona Badda Cas – haddii dhibaatadaan sii socoto, kooxaha argagixisaduna bilaabaan inay ka faa’iidaystaan ​​​​kacdoonka waqooyiga – ayaa abuuri doona qalalaase ballaaran oo aan dunida weligeed hore looga arag.

Arrinta igu abuureysa welwelka ayaa ah in aan muhiimad gaar ah la siineynin khaladaadka uu galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo waxa ka dhalan doona xad-gudubka lagu sameeyay qaranimada iyo dhulka Soomaaliya.

Soomaaliya wax taageero ah ma ka heshay Midowga Afrika ama ururada kale ee caalamiga ah?

Haa, diblomaasiyad ahaan waxaanu taageero buuxda ka haysanaa Beesha Caalamka, mana arag hal dal oo maanta garab joga Itoobiya. Midowga Afrika waxa uu taageero u haya Soomaaliya sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana 18-ka bishan magaalada Kampala ka dhacaya shir uu yeelanayo urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale waxaa magaalada Addis Ababa ka dhici doona shir uu yeelanayo Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika, iyada oo sidoo kale magaalada New York uu ka dhici doono shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo dhammaantood lagu taageerayo Soomaaliya.

Taageerada diblamaasiyadeed maku filan tahay soo afjarida xiisadda heshiiskaan? mise laga yaabaa in Dawladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqado tillaabo kale?

Siyaasad ahaan ilaa iyo hadda aad ayaan ugu qanacsannahay, waxaana dhawaan fileynaa in Jaamacadda Carabta ay qabato shir heer wasiir ah oo aan ka rajeyneyno in aan taageero buuxda ka helno walaalaheen. Ilaa iyo hadda taageerada siyaasadeed ee aan haysano ayaa nagu filan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan leenahay xeelado badan oo aan kala dooran karno kuwaas oo aan adeegsan doono marka ay Itoobiya uga sii darto xaaladda. Tusaale ahaan waxaa dhici doona kacdoon gudaha ah. Shacabka Soomaalidu isma saaran doono gacamaha waxa uu sameyn doonaa kacdoon aan taageersanahay. Waxaa sidoo kale jira habab kale oo aan isticmaali doono marka loo baahdo.

Warbixinadii ugu dambeeyay waxa ay tilmaamaayan in tillaabooyin loo qaaday dhanka horumarka. Ma yihiin kuwa uu ka faa’iiday muwaadinka Soomaaliyeed?

Haddii aad dib ugu noqoto bishii December, waxa aad arkeysa in Soomaaliya ay ku biirtay ururka dhagaalaha ee Bulshada Bariga Afrika, taasna waa mid aad muhiim u ah. Waxay sameeyeen qiimeyn kadibna waxa ay aqbaleen in Soomaaliya xubin ka noqoto.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameysay maamulka hubka ee Soomaaliya, waxaana la isku raacay in cunaqabateynta laga qaado. Waxay ahayd cunaqabatayntii ugu dheereed uguna baaxad waynayd ee waddan saarnaata in ka badan 30 sano, waana laga qaaday hadda.

Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna xaqiiqsadeen in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay bixinta deymaha faraha badan.

Sanadkaan waxaan diyaar u nahay in aan sii amba qaadno horumarinta dhaqaalaha, waxaana rajeyneynayaa in aan bilaawno mashaariic waaweyn, sidaas darteed Soomaaliya waxa ay ku socotaa waddadii horumarka, inaga oo soo hoynay guulo badan bilihii lasoo dhaafay, caalamkuna hadda waa uu gaaray in uu ku kalsoonaado nidaamka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here