Saturday, July 27, 2024

Maxaad kala socotaa tartanka qaramada Asia ee ka billaawday Qatar?

Dooxa (Dawan)- Xulka qaranka Qatar ayaa 3-0 kaga adkaaday dhigooda Lubnaan, ciyaartii furitaanka koobka kubadda cagta ee Asia, oo Jimcihii lagu qabtay garoonka Lusail Stadium ee magaalada Dooxa.

Goolasha xulka Qatar waxaa u kala dhaliyay wiilka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya Akram Cafiifi (laba gool) daqiiqadihii 45-aad iyo 90+6, iyo Almuciz Cali daqiiqadii 56-aad.

Isla Group-kan, waxaa maanta oo Sabti ah wada ciyaari doona Xulalka Shiinaha iyo Tajikistan.

Tartankaan oo ah kii 18-aad ee Koobka Kubadda Cagta Asia ayaa socon doona ilaa 10-ka Febraayo, 2024, iyada oo xafladda furitaanka lagu qabtay garoonka Lusail Stadium, oo qaada 88,000 oo taageerayaal ah, waana garoonkii lagu qabtay finalkii koobka aduunka 2022.

Koobka kubadda cagta ee qaramada Asia waa markii seddexaad ee lagu qabto dalka Qatar, kadib markii ay marti gelisay sannadihii 1988-kii iyo 2011-kii, waxa ayna kusoo beegantaahy sannad kadib markii ay marti gelisay koobkii adduunka ee 2022.

Kulamada ciyaaraha ayaa lagu ciyaari doona 9 garoon oo intooda badan lagu ciyaaray koobkii adduunka ee lasoo dhaafay.

Guddiga qabanqaabada tartanka ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha ka soo xarooda tigidhada ciyaaraha loo qoondeyn doono in lagu taageero dadaallada gargaarka ee dadka reer Falastiin, kuwaas oo ay soo food saartay dhibaato bini’aadantinimo oo ay sabab u tahay weerarada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza.

Tartankan ayaa hore loo qorsheeyay in lagu qabto dalka Shiinaha 2023-ka, balse Beijing ayaa ka cudur daartay martigelintiisa sababo la xiriira daruufaha ka dhashay fayraska Corona, sidaas darteed Xiriirka Kubadda Cagta Asia ayaa go’aansaday in loo wareejiyo dalka Qatar.

Japan ayaa ugu hanasha badan koobka

Xulka Japan oo kaalinta labaad galay 2019 ayaa ah qaranka ugu qaadista badan koobkaan, waxa uuna ku guuleystay afar jeer oo kala ahaa 1992, 2000, 2004 iyo 2011.

Xulkaan lagu naaneyso Samurai Blue ayaa ka soo muuqaday shan final ah oo ka mid ah siddeedii final ee tartankan. Guuldaradii ay Qatar kala kulmeen koobkii lagu qabtay Imaaraadka sannadkii 2019-ki ayaa ahayd marka kaliya ee ay guuldaro la kulmaan kulan final ah.

Halka xulka qaranka Iran uu yahay xulka kaliya ee qaaday saddex koob oo isku xigta, ka dib markii ay qaadeen sannadkii 1968-dii, iyaga oo difaacday sannadihii ku xigay ee 1972 iyo 1976.

Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleysatay tartankii ugu horreysay ee 1956-kii, waxayna mar kale qaaday afar sano ka dib, halka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku guuleysatay koobka laba sana oo isku xigtay kuwaas oo ahaa sannadihii 1984 iyo 1988.

Cali Daei: Gool dhaliyaha tartanka

Halyeyga reer Iran ee Cali Daei ayaa ah ciyaariyahanka dhaliyay goolasha ugu badan ee koobka Asia, isaga oo ku hoggaaminaya 14 gool uu dhaliyay inta u dhaxeysay 1996 iyo 2004.

Xiddiga South Korea ee Lee Dong-gook ayaa ku jira kaalinta labaad, isagoo dhaliyay 10 gool, halka Naohiro Takahara oo Japan kasoo jeeda, Cali Mabkhout (Imaaraad) iyo Almuciz Cali (Qatar ) ay leeyihiin min 9 gool.

Almuciz Cali ayaa fursad u heysta inuu booska kala baxo Cali Daei, haddii uu soo bandhigo tartankaan awoodiisa gool dhalineed sida uu sameeyay tartankii 2019-ki kaas uu dhaliyay sagaal gool kadib markii uu ciyaaray todobo kulan.

Ciyaariyahanada ugu qeyb qaadashada badan Koobka Asia

Dhowr ciyaartooy ayaa kasoo muuqday afar tartan oo kala duwan sannadihii lasoo dhaafay, waxaana kamid ah Yasuhito Endo, Mehdi Mahdavikia, Younis Mahmoud iyo Zheng Zhi, balse ma jiro qof gaari kara goolahanaya Uzbekistan, Ignatiy Nesterov.

Goolhayaha Uzbekistan ayaa ka qeyb galay dhamaan shantii koob ee ugu dambeysay laga soo billaabo 2004 ilaa 2019, isagoo soo gaaray wareega 16-ka tartan kasta, wuxuuna gaaray heerkiisii ​​ugu fiicnaa abid markii dalkiisu gaaray semi-finalka 2011-kii.

Sacuudiga iyo Rigoorooyinka

Laba final oo kaliya ayaa lagu kala baxay koobka Asia rigoorayaal, waxaana labada jeer ba ku guuleystay xulka Sacuudi Carabiya.

Sacuudiga ayaa rigoorayaal uga qaaday koobka Asia, qaramada kala ah Jamhuuriyadda Kuuriya 1988 iyo Imaaraadka Carabta sannadkii 1996, iyada oo labada jeer ba ay ciyaaruhu ku dhamaadeen bar bar dhac ah 0-0.

Sacuudiga oo koobaan qaaday seddex jeer, uguna dambeysay 1996-ki ayaa doonaya in ay soo afjaraan 27 sano oo ay ka soonaayeen ku guuleysiga koobka Asia, kadib markii ay hoggaanka u dhiibteen tababaraha reer Talyaani ee Roberto Mancini.

Iran ayaa ah xulka ugu guulaha badan kulamo ahaan

Xulka Iran ayaa badiyay in ka badan xulalka kale marka la eego taariikhda koobka Asia, iyagoo badiyay 41 ka mid ah 68 kulan oo ay ciyaareen tartankaan tan iyo markii ugu horeysay ee ay marti geliyaan tartakii afaraad ee 1968-dii.

Laakiin tan iyo markii ay qaadeen koobkoodii seddexaad ee 1976, xulka qaranka Iran kuma soo laaban finalada koobkaan, inkasta oo ay gaareen semi-finalka lix jeer, oo ay ugu dambeysay markii ay guuldaro kala kulmeen Japan 2019.

36-dal ayaa hore uga qeyb qaatay tartanka koobka qaramada Asia, tan iyo markii la billaabay sannadkii 1956-kii, waana koobka labaad ee ugu da’da weyn marka laga hadlayo koobka qaaradaha. Copa America ayaa koowaad ah .

Tajikistan iyo markii ugu horeysay

Xulka Tajikistan ayaa noqon doona qarankii 37-aad ee ka qeyb qaata koobka qaramada Asia, waxeyna kulankooda ugu horeeya kula ciyaari doonaan garoonka Cadullaahi bin Khalifa xulka China.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here