Saturday, July 27, 2024

Ciidamada Hindiya oo u gurmaday markab lagu heystay xeebaha Soomaaliya

New Delhi (Dawan)- Dowladda Hindiya ayaa sheegtay Jimcihi in Ciidamadeeda Baddu u gurmadeen Markab ay koox hubeysan ku qabsadeen Xeebaha Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada Badda ee Hindiya ayaa lagu sheegay in Markab xamuul oo lagu magacaabo “Leela Norfolk” ka helaan farriin lagu dalbanayo in looga badbaadiyo af-duub .

Markab Ciidan oo ay leedahay Hindiya ayaa durba kasoo jawaabay farriinta, waxaana lagu guuleystay in ay Ciidamdu gaaraan goobtii uu ku sugnaa Markabkii looga shakisanaa in la Af-duubtay, sida laga soo xigtay Dowladda Hindiya.

Af-hayeen u hadlay Ciidamada Badda ee Hindiya ayaa sheegay in ay wadaan hubinta lagu xaqiijinayo in kooxa hubeysan ay ku jiraan gudaha Markabka.

Warbxiinta ay soo saartay Hindiya ayaa tilmaameysaa in koox hubeysan oo ka kooban 5 ama 6 qof ay isku dayeen habeenkii Khamiista in ay af-duubtaan Markabka ganacsi oo ay saaranaayeen 15 oo u dhashay dalka Hindia.

Ciidadma Badda Hindiya ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha saaran Markabka ay bad qadaan , waxeyna ballan qaadeen in ka go’antahay sidii looga shaqyn lahaa sugidda amniga Marakaabiita ganacsiga iyo biyo mareenada caalamiga ah .

Xarunta la dagaalanka Burcad Badeedka ayaa shegtay in falalkii Burcad Badeednimda Soomaaliya ay hoos u dhaceen tan iyo markii uu Midowga Yurub ku dhawaaqay howlgalka Atlanta sannadkii 2008, inkasta oo bishii lasoo dhaafay laga dareemay xeebaha Soomaaliya dhaqdhaqaaqa kooxa huebysan.

Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa lagu af-duubtay bishii November ee lasoo dhaafay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, sida ay xaqiijiyiin mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiilada doonta ayaa sheegay in kooxdii af-duubka geysatay ay lasoo xariirtay kadibna ay ka dalbdeen lacag madax furasho ah oo gaareysa 400,000 oo dollar, si ay u sii daayaan doonta iyo shaqaalaha.

Bashiir ayaa intaa ku daray in doontu ay tahay mid si sharci ah oo u diiwaan gashan Maamulka Puntland, isla markaana ay heysatay ruqsad ay kaga kalluumeysato xeebaha Puntland.

Isla bishii November ayay ahayd markii Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ay af-duubteen Markab ay sheegen in laga leeyahay Isarel, taas oo abuurtay walaac xooggan oo laga qabo nabad gelyada Badda Cas iyo saameynta ay arrintaan ku yeelan karto ganacsiga isaga goosha dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here