Saturday, July 27, 2024

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo goob joog ka noqonaya doorashada Taiwan

Taiwan (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay Taiwan kadib markii uu casuumaad rasmi ah helay, waxaana soo dhaweeyay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Taiwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland lagu marti qaaday doorashada dhawaan ka dhacaysa Taiwan si ay goob-joog uga noqdaan hannaanka ay doorashadaasi u dhacayso.

Weftiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Taiwan waxay la kulmi doonaan Wasiirka Arimaha Dibada Taiwan Dr. Joseph Wu iyo madax kale .

Labada Guddi dooraasho ee Taiwan iyo Somaliland ayaa waxay isweydaarsan doonan aqoon iyo khibrad dhinaca doorashooyinka la xiriira, waxeyna isla garteen in lasii xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa si loosii hormariyo dimuqraadiyadda.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dadweynaha Taiwan ayaa lagu wadaa in ay 13-ka Janaayo u dareeraan goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxweyne iyo Baarlamaan cusub.

Shiinaha iyo Mareykanka labaduba waxay si dhow ula socdaan qaabka ay ku dhamaan doonto doorashada Jasiiraddan iskeed isku maamusha ee istiraatiijiga u ah labada awoodood.

Jasiiradda Taiwan waxay ku taallaa meel 161 kilomitir u jirta xeebta Koonfur-Bari ee Shiinaha, waxeyna lahayd maamul u gooni ah tan iyo markii uu dhamaaday dagaalki sokeeye ee Shinaha 1949, iyada oo ku guuleysatay in abuurto dhaqaala xoog badan iyo nidaam dimuquraadi ah inkasta oo aysan caalamka ka helin aqoonsi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here