Saturday, July 27, 2024

Qaramada Midoobay: 20,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaalka galbeedka Suudaan

Suudaan (dawan)- Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad gaaraya 20,000 ku barakaceen dagaalada ka socda gobalka Daarfuur ee galbeedka Suudaan.

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada ee Suudaan ayaa  walaac ka muujiyay dagaalada maalmihii lasoo dhaafay ka socday galbeedka suudaan.

“Waxaan la soconaa, xaaladda ka taagan Daarfuur, waxaana ku dadaaleyna sidii gargaar loo gaasrin lahaa dadka  ku wax yeeloobaay rabashada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadnimada.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Nyala ka dhacay iska hor imaadyo  u dhaxeeyay ciidamada Suudan iyo ciidamada “gurmadka  deg-degga ah” ee ku sugan magaalada Nyala, waxayna dagaaladaasi  sababeen dhimasho, dhaawac, iyo barakac ballaaran.

Guddomiyaha gobalka  Daarfur, Minni Arko Minawi, ayaa  ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka inay gargaar bini’aadantinimo lasoo gaaraan gobolka, wuxuuna xaaladda ka jirta gobalka ku tilmaamay mid masiibo.

Dagaalka ka socda Suudaan, waxaa ku dhintay in ka badan  3,000 ,oo u badan dad rayid ah, waxaana ku barakacay in ka badan 4 milyan , sida ay sheegeen hay’adaha caalamiga ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here