Saturday, July 27, 2024

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO MAGACAABAY XUBNO KA MID NOQON DOONA GUDDIGA DOORASHOOYINKA

Garoowe (dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka  Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay xubno ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland ee (PEC).

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeer madaxweyne lagu magacaaabay Cabdullahi Siciid Ismaciil, Maxamad Abshir Garaad iyo Maxamuud Soofe  Xasan oo ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland.

Magacaabistaan ayaa kusoo beegemeysa  xilli xisbiyada mucaaradka ka digayaan in doorasho hal dhinac ka qabsoonto Puntland, iyagoo  dacwad u gudbiyay maxkamadda Puntland.

Madaxweyne Deni  ayaa horay u sheegay in uu qaban doono doorasho waqtigiida ku dhacda, isaga oo ballan qaaday inaysan dhicin doonin muddo kororsi.

Xisbiyada mucaaradka ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin magacaabista xubanahaan cusub ee ku biiri doona guddiga doorashooyinka Puntland

Waxaa jirtay in dagaal qasaare geystay oo looga soo horjeedo qaabka uu madaxweyne Deni  u maamulo  doorashooyinka uu  ka dhacay magaalada Garoowe bishii July ee sanadkaan

Dadaalo ay sameeyeen wax garadka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu dambeyn lagu guuleysatay in la joojiyo colaadda.

Dhawaan ayay ahayd, markii xildhibaanda Puntland ansixiyeen wax ka bedelka dastuurka Puntland ee hannnaanka doorashooyinka.

Wax ka bedelkaan ayaa ogolaan doona in xisbiyada doorasahada ka qeyb gelaaya ay noqon karaan sagaal (9) xisibi, halka markii hore ay ahaan  jireen seddex (3) xisbi oo kaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here