Saturday, July 27, 2024

Ciidanka Soomaaliya oo la wareegay tuulo u dhaw magaalada Ceel-buur

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeedu si buuxda ula wareegeen tuulada Dac ee hoos tagta magaalada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Tuulada Dac ayaa 17 km u jirta Ceel-buur oo ah magaalada ugu muhiimsan gobolka Galgaduud oo ay weli Al-shabaab joogaan.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya inuusan hadda socon dagaal fool ka fool ah, balse mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay dhawaan Al-shabaab ka saari doonaan Ceel-buur iyo dhammaan goobaha ay ka joogaan gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb gaataan dagaalka Dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.
Al-shabaab ayaan dhankooda wax war ah weli kasoo saarin deeganadii ugu danbeeyay ee lagala wareegay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here