Saturday, July 27, 2024

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Ceel-buur

Galgaduud (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka dowladda oo kaashanaaya dadka deegaanka ay la wareegeen magaalada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri ” “Ciidanka xoogga dalka ayaa gudaha u galay magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada “.

Ceel-buur ayaa ahayd magaalada ugu muhiimsan gobolka Galgaduud oo ku jirta gacanta Al-shabaab balse maanta ayay dowladdu sheegaty inay ka saaratay xoogaga Al-shabaab.

Bayaanka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu ballan qaaday in dowladdu la wadaagi doonto shacabka faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qabashada Ceel-buur.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay inay qarax kula beegsadeen ciidamada dowladda duleedka maaagalada Ceel-buur.

La wareegidda Ceel-buur ayaa kusoo beegmeysa saddex isbuuc kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here