Sunday, May 19, 2024

Itoobiya oo ka mid noqotay dowladaha loo ogolaaday ku biirista isbaheysiga BRICS

Johannesburg (Dawan)- Dowladaha ku bahoobay BRICS ayaa sii xoojiyay isabaheysigooda kadib markii ay ogolaadeen in ay kusoo biiraan lix dowladood oo cusub.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa xaqiijiyay in shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Johannesburg lagu ogolaaday in dowladaha Itoobiya, Iiran, Sacuudi Carabiya , Imaaraadka Carabta, Masar iyo Argentina ay kusoo biiri karaan isabaheysiga BRICS, laga bilaabo Janaayo 2024.

Ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed oo shirka ka qeyb galay ayaa aad usoo dhaweeyay in dalkiisa loo ogolaado ka mid noqoshada isbaheysiga BRICS, wuxuuna ku tilmaamay tillaabo hore loogu qaaday iskaashiga dunida.

“ Xilli aad u wanaasgan ayay u tahay Itoobiya, maadaama madaxda BRICS ogolaatay ku biirista Isbahayesigaan. Itoobiya waxay diyaar u tahay inay cid kasta kala shaqeyso sidii loo heli lahaa nidaam caalami ah oo loo dhan yahay “  ayuu bartiisa X kusoo qoray ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Khubarada si dhow ula socota dhaqaalaha Itoobiya ayaa ku tilmaamtay xubinimada Itoobiya ee BRICS guul diblomaasiyadeed oo la taaban karo, lagana yaabo guushii ugu weyneyd ee la gaaray muddadii shanta sano ahayd ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

29-kii June, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa xaqiijisay in ay si rasmi ah u codsatay ku biirista isbaheysiga ururka BRICS, waxeyna muujisay muhiimadda ay leedahay in laga mid noqdo urur ay ku jiraan dowlado waaweyn oo dunida saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaad ​​labaatan waddan ay soo gudbiyeen codsi rasmi ah oo ay ku doonaayaan in loo ogolaado kaga mid noqoshada isbaheysiga BRICKS oo ah urur ay dhidibada ay u taageen dowladaha Brazil, Ruush, India, China iyo Koonfur Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here