Saturday, July 27, 2024

Sirdoonka Puntland oo sheegay in laga hortegay qaraxyo

Garoowe (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamul Goboleedka Puntland ee loo yaqaano (PISA) ayaa sheegtay in laga hortegy qaraxyo lala damacsanaa in lala beegsado dadweynaha magaalada Boosaaso.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri ” HaHay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dawladda Puntland waxay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka Boosaaso iyo Hantidooda, PISA oo la socotay dhaqdhaqaaq argagixisadu soo wado waxay ka hortagtay daqiiqado ka hor intaysan fulin qarax u diyaarsanaa”

Hay’adda Sirdoonka Puntland ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya miinooyin dhulka lagu aaso iyo agabyo kale oo loo adeegsado qaraxyada, inkasta oo aysan carrabaabin bartilmaameedka qaraxyadaan.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli maalmo ka hor weerar lagu qaaday xarunta Shirkada Isgaarsiinta Goolis, waxaana laamaha amnigu sheegeen in weeraradaas ahaayeen kuwa lagu doonayay in lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.

Weerarada ka dhanka ah xarumaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa kordhay, waxaana sannad gudihiis ay sababeen burbur hantiyeed oo soo gaaray shirkado dhowr ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here