Sunday, May 19, 2024

Daagal beeleed markale ka soo cusboonaaday Hirshabeelle

Hiiraan (Dawan)- Waxa mar kale kasoo cusbnooday deegaano hoostaga Dowlad Goboleedka Hirshabee daagal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanka.

Wararka waxa ay sheegayaan in khasaaraha ka dhashay dagaalkan uu dhan yahay dhimashada 6 qof iyada oo ay jiraan dad kale oo dhaawacmay.

Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa labadan maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay xadka gobolka Hiiraan iyo Shabbellaha Dhexe ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, iyada oo bilhii lasoo dhaafay dhowr jeer isku dhac nuucaan ah uu ka dhacay deeganadan.

Isku dayo nabadeed oo ay wadeen madaxda bulshada deegaanka oo la doonayay in lagu soo afjaro colaadda ayaan wax natiijo ah laga gaarin weli.

Maamulka Hirshabeelle ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dagaal beeleedkan geystay khasaaraha isagu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here