Saturday, July 27, 2024

Daawo: Diyaar garowga doorashooyinka Masar

Qaahira (Dawan)- Waddooyinka waaweyn ee magaalada Qaahira waxaa lagu xardhay sawirada musharixiinta madaxtinimada dalka Masar.

Doorashada madaxtinimo ee dalkaas ayaa lagu wado in ay dhacdo 10-ka ilaa 12-ka bishaan December.

Afar murashax ayaa u tartamaya kursiga Madaxweynaha dalka Masar kuwaas oo kala ah Madaxweynaha hadda talada haya Cabdifataax El-Sisi, Guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga Xaazem Cumar, Hoggaamiyaha xisbiga Wafdi Cabadisanad Yamaama iyo madaxa xisbiga Dimomuraadiga Masar Fariid Zahra.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax El-Sisi ayaa xukunka hayay tan iyo 2014-kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here