Saturday, July 27, 2024

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka

Muqdisho (Dawan)- Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya aaya maanta si wada jir ah u ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sannadka 2024, taas oo gaareysa $1.08 billion 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada sannadka 2024-ka iyada oo ay oggolaadeen 186 xildhibaan, halka ay diideen kaliya 3 xildhibaan mana jirin wax ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay meel-marinta miisaaniyadda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay miisaaniyaddan u leedahay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.

” Waxa ay kusoo beegmeysa ansixinta miisaaniyadani, xilli dalku uu gelayo marxalad cusub oo kala guur dhaqaaale aan geleyno. Marxalad aan ka gudbeyno, marxalad cusubna u gudbeyno. Waxa aan rajeyneynaa in ay noqoto ansixinta aan maanta sameynay tii ugu dambeysay ee iba furka u noqoneysay guul qaran oo ah geedi toban sano soo socday” ayuu yiri, wasiir Biixi.

Xogaha laga helayo ansixinta miisaaniyadaan ayaa tilmaameysa in xildhibaanda loo sameeyay mushaar kordhin gaareya ilaa 1,500 oo doollar taas oo ka dhigan in ay bishi mushaar ahaan u qaadan doonaan 5,000 oo dollar.

Isbuuci lasoo dhaafay ayay ahayd markii in ka badan 150 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka in ay codsadeen mushaar kordhin, taas oo buuq ka dhalisay gudaha baarlamaanka kadibna keentay in la joojiyo shaqadii socotay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga rabaa inuu saxiixo miisaaniyadda cusub inta uusan billaaban sannadka cusub ee 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here