Saturday, July 27, 2024

Maxaa beddelay go’aankii Deni ee doorashooyinka qof iyo cod?

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo aan xirneyn taaygii lagu yiqiin, guluuska kore ee shaatigu u furanyahay ayaa warbaahinta kasoo muuqday xilli aan looga baran inuu dadweynaha la hadlo.

Deni, waxaa ka muuqda muuqaalkiisa iyo hadalkiisa in uu la kulmay cadaadis badan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo madaxtinimada ee Puntland.

Hadalka uma soo heli karo sidii looga bartay, hadana waxa uu doonaya inuu dad weynaha u sheego go’aan uu isaga laftiisu ka xunyahay laakin ay dantu ku qasabtay

“….Waxaan aad uga xumahay go’aan aynan ku farxeen inaan qaato. Waxaan rajeynaya anoo u turaya mustaqbalka Puntland inaan halkaan uga dhawaaqo in Puntland 8-da January doorasho dhacdo, dadka metelaya xubnaha Baarlamaankana dadkoodu ay soo doortaan”. ayuu yiri, Deni

Madaxweyne Deni oo waayadii lasoo dhaafay ololo xooggan ugu jiray inuu qabto doorasho qof iyo cod ah ayaa ku dhawaaqay mar qura inuu ka laabtay go’aankiisi hore, isaga oo caddeeyay in doorashada 8-da January ay u dhici doonto qaabkii la ila wada garanaayay ee ku dhisnaa nidaamka wax qeybsiga reeraha wada dega Puntland

Danta Puntland mise awood yarida Deni?

Mudda xileeda Siciid Deni waxa uu ku egyahay 8-da January 2024, laakin si uu ugu soo laabto kursigiisa waxa uu u fuulay geed dheer iyo mid gaaban.

Deni ayaa go’aansaday inuu Puntland ka qabto doorasho ku dhisan nidaamka qof iyo cid, waxa uuna si tijaabo ah uga qbatay doorasho dhowr deegaan taas oo u sawirtay inuu awoodi karo ka mira dhalinta hamigiisa ah inuu Puntland ka qabto doorasho qof iyo cod ah.

Sida uu qabo Dastuurka Puntland, doorashooyinka  ayaa u dhici jiray nidaam baarlamaani ah oo 66 xubnood ka kooban. Xubnahaas oo ay soo xulaan  Isimada Puntland ayaa doorta madaxweyne sharci u heysta inuu 5 sano xukumo Maamul Goboleedka Puntland.

Maxaa beddelay Go’aankii Deni?

1- Qabaa’ilka: Awood qaybsiga dowlad goboleedyada dalka oo dhamaantiis ku dhisan  hab qabaa’il ah ayey hoggaanka reeruhu u arkaan in aysan dan ugu jirin nidaamka doorashada tooska ah, kaas oo meesha ka saaraya awoodda oday dhaqameedka iyo isimada hor booda reeraha.

2- Dowladda Federaalka: Xiriika aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo Siciid Deni ayaa iyaduna ah cadaadis kale maadaama ay dowladda Federaalku dooneyso in hal mar wada qabato doorashada Maamul Goboleedka si loo hir geliyo heshiiskii Baydhabo.

3- Mucaaradka: Awoodda iyo saameynta mucaaradka ayaan la dhayalsan karin kuwaas oo u arkayay in Deni uu doonayo qorshe uu kursiga kusii joogo ee aysan daacad ka ahayn inuu doorasho dimoquraadi ah ka qabto Puntland.

Mararka qaar, waa la is fara saaray, waxayna keentay khasaaro isagu jira dhimasho, dhaawac iyo barakicin taas oo halis ku noqotay xasiloonidii ay Puntland ku faani jirtay.

4- Beesha Caalamka: Beesha caalamka ayaa ka mid ah meelaha ugu culus ee uu Deni ka helayay farriimaha digniinta ah, waxaana canaan loo soo mariyay hawada si loogu cadddeeyo inuu ku socda dariiq mugdi ah.

Waxaa magaalada Garoowe tegay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo safiiro si ay toos wax ugu sheegaan Siciid Deni, waana tan keentay, sida ay aaminsanyihiin dad badan go’aanka uu ugu dambeyn qaaray Deni.

5- Awoodda Ciidanka: Deni waxaa qabsatay arrintii Farmaajo oo kale markuu damcay inuu muddo kororsi sameysto taas oo ahayd in ciidamadu ka hor yimaadaan.

Cidamada kala duwan ee Soomaalida ayaa weli la aaminsan yahay in ay kaalin mug leh ka ciyaarayaan isbeddelka siyaasadda, waxaana tusaale loo soo qaadan kaaa meesha ay ka istaageen go’aanadii Deni iyo Farmaajo iyo sida ay uga hor yimideen in la qabto doorasho hal dhinac ah ama la sameeyo muddo kororsi.

6- Saameynta Imaaraadka: Dowladda Imaaradka Carabta oo saaxaiib dhow la ah Puntlnad isla markaana uu hadda soo hagaagay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ayaa ku cadaadisay Deni inuu ka tanaasulo nidaamka doorashada ee qof iyo cod.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku biiraya madaxda Soomaalida ah ee inta badan marka ay xukunka joogaan ku ololeeya in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah taas oo aan la isku waafaqsanayn hannaanka loo wajahayo, kuwaas oo ugu dambayn ku hungooba rabitaankooda.

Falcelinta dowladda Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ah tillaabo looga gudbayo hubinti la’aantii muddadaan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan, isaga oo ammaan kala dul dhacay reer Puntland

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here