Saturday, July 27, 2024

Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga oo u tartamaya m/weyne ku xigeenka Puntland

Garoowe (Dawan)- Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa maanta oo Sabti ah is casilay, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xika Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland.

“Marba haddaan u tartamayo jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaan iska casilay shaqadii safiirnimo ee aan u hayay qarankayga. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo saaxiibadeyda diblomaasiyadda ee aan lasoo shaqeynayay lixdii sano iyo barkii la soo dhaafay”, ayuu yiri, Safiir Jaamac.

Safiir Jaamac ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay saacado ka hor inta uusan qaadan shahaaadada musharraxnimada xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa is casilay seddex toddobaad ka hor, si uu uga qeyb qaato tartanka xilka Madaxtinimada Puntland.

66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Khamiisti u doortay Cabadirisaaq Axmed Siciiid inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland hoggaamin doona shanta sanoo ee soo socota.

8-da bishaan January ayaa lagu wadaa in la doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland iyada oo ay u taaganyihiin dhowr musharrax uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilku kasii dhamaanayo, Siciid Cabdullaahi Deni.

Bilihi lasoo dhaafay waxaa Puntland ka taagnaa khilaaf xoogan uu ku saabsan sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isamada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here