Saturday, July 27, 2024

Daawo: Warbixintii ugu dambeysay ee saameynta roobabka

Muqdisho (Dawan)– Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa warbixin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeyay ee roobabka iyo saameynta ay ku yeesheen dadka

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 29 qof ay ku dhinteen daadadka, halka ay ku barakaceen 305,000 qof.

Magaalooyinka Luuq, Dolow, Garbahaarey, Baardheere, Ceelwaaq, Afmadow, Jamaame, Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Xudur, Rabdhuure, Beledweyn, Jowhar Gaalkacyo, Dhusamareeb iyo Cadaaddo ayaa ah magaalooyinka ay ka jirto dhibaatada ugu badan, iyada oo ay saameyn soo gaartay dad ka badan 850,000 oo qof.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay is garab istaagaan kana qey qaataan samata bixinta dadka walaalahood ah ee dhibaateysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here