Saturday, July 27, 2024

Mareykanka: Naadiya Maxamed oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park

ST. LOUIS PARK (Dawan)- Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.

Naadiya ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

“Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda.

Doorashadan waxaa Naadiya taageerayay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameynin kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkaan.

Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah Bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota, waxeyna heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay, taas oo u suurta gelisay in ay noqoto duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota.

Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Naadiya Maxamed ayaa ololaha ku gashay in ay wax ka qaban doonto sidii loo fududeyn lahaa lahaanshaha guryaha, waxeyn taageero xooggan ka heshay bulshada iyo duqii hore ee magaalada.

Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir.

Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.

Soomaalida dalka Mareykanka ayaa waaydii ugu dambeysay kasoo muuqatay qeybaha maamulka kala duwan ee dalkaas ilaa Aqalka Wakiilada, waxeyna saameyn weyn ku yeesheen siyaasadda iyo maamulka.

Minnesota waa halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxeyna guulo la taaban karo ka gaareen matalaadda siyaasadda sannadihii u dambeeyay.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa taariikhda gashay doorashadii 2018, waxayna noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka mid noqda Aqalka Wakiilada.

VOA + Dawan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here