Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo ITU oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Manama (Dawan)- Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Bahrain ee Manama oo uu ka socdo shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee wadamada Carabta.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Uuruka Isgaarsiinta Caalamiga ah iyo Soomaaliya ay iska kaashadaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka.

“Dowladda Soomaaliya oo xoojineysaa wada shaqaynta Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah, Hishiishkaan waxaa looga faa’iideesanayaa in kor loo qaado hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara oo Teknoolojiyadda iyo Dijitaalka ay sal u yihiin” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Jaamac Xasan Khaliif iyo Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka qeyb gelaya Shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee dalalka Carabta, oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Manama ee caasimadda Bahrain.

Madasha Horumarinta Isgaarsiinta dalalka Carabta waa madal loogu talagalay in ay ku kulmaan madaxda Isgaarsiinta dalalka Carabta si ay uga qayb qaataan doodaha iyo bandhigyada ku saabsan waxyaabaha mudnaanta u leh Gobolka Carabta. Wada-tashiyadan ayaa ujeeddadoodu tahay in lagu kobciyo horumarka dhaqaale iyo bulsho ee gobolka Carabta oo dhan.

Intii lagu guda jiray madasha, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Bahrain, waxeyna ka wada hadleen horumarka uu dal walba ka samaynayo dhanka dhijitaalka.

Labada dhinac ayaa isla gartay qodobbadii ay ka wadahadleen, iyadoo lagu ballamay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here