Saturday, July 27, 2024

Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda iyo AS ku dhax maray Mudug

Mudug (Dawan)- Wararka ka imaanaya Deegaanka Caad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus subaxnimaddii maanta ku dhax maray Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Warbaahinta Dowladdu waxa ay sheegaty in Ciidamdu ay ka hor tageen weerar ay soo qaadeen saakay dagalaamayasha Al-shabaab kuna jebiyeen iyada oo ay Ciidamadu ku daba joogaan raggaii soo qaaday weerarka.

Dowladdu wali ma sheegaan hadduu jiro khaaara nafeed oo ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 191 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed kadib markii ay saakay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla Deegaanka Caad ee Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Dowladda Somaliya iyo Mareykanku ay sheegeen laba maalin ka hor inay afar dagaalame oo Shabaab ka tirsan ku dileen deegaan qiyaastii 45 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here