Saturday, July 27, 2024

Dagaal culus oo ka dhacay Awdheegle

Sh/Hoose (Dawan)- Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda iyo kooxda Al-shabaab ku dhax maray aroornimadii maanta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka hor dhaca ah ee laga helaayo dagaalka ayaa tilmaamaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay bar kontorool oo ay joogaan ciidamada dowladda kadibna uu billaawday dagaal fool ka fool ah oo qaatay saacado badan, iyada oo ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ba leh.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyada oo ay sheegan dadka deegaanku in Al-shabaab madaafiic ku gaaracday degmada.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay aroornimadii hore ee saakay ka hor tageen weerar ay ku soo qaadeen  maleeshiyaadka Al-shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in Al-shabaab laga dilay in ka badan 20 xubnood.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerar saakay ku qaadeen seddex saldhig oo ay ciidmada dowladdu ku leeyihiin degmada Awdheegle, halkaasna ay ku dileen 59 asgari.

Maadaama uu dagaalku joogsaday mar dhaw, waxaa adag in la helo  warar  dhax dhaxaad ah oo lagu kalsoonaan karo, waxaana dhacda in inta badan dhinc walba sheegto guusha.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa sii badanayaay waaydii u dambeeyay maadaama dowladdu ku dhawaaqday dagaal dalka looga saarayo kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here