Friday, July 26, 2024

Tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii Marooko oo kor u dhaaftay 2 kun

Marooko (Dawan)- Telefishinka dowladda Marooko oo soo xiganaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii dalkaas ku dhuftay fiidnimadii Jimcaha ay gaartay  2012 qof.

Telefishinku wuxu intaas ku daray in dadka ku dhaawacmay Dhul-gariirka ay gaarayaan  2,059, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo ay xaaladoodu liidato.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa  dhankeeda sheegtay in dadku ku dhinteen sagaal gobol oo u badan kuwa dhaca Waqooyiga dalkaas.

Bayaan kasoo baxay Boqortooyada Marooko ayaa lagu sheegay in Boqorku ku dhawaaqay seddax maalin oo baroor diiq ah iyo in calamada hoos loo dhigo.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in la magacaabay Guddi heer Wasiirro ah oo si deg-deg ah wax ugu qabta dadkii wax ku waxyeelloobay Dhul-gariirkii dhacay Jimacahii lasoo dhaafay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu si buuxda u taageerayo Dowladda iyo Shacabka Marooko oo wajaha xaalad aad u adag, una baahan caawinaad deg-deg ah.

Xarunta Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee dalkaas ayaa sheegtay in  xoogga dhul-gariirku  gaaray 7 darajo cabbirka Richter.

Madaxa Machadka Geophysics-ka ee dalka Marooko  ayaa ku tilmaamay dhul-gariirkan kii ugu khasaraaha badnaa ee ka dhaca dalkaas muddo qarni ah.

Dhanka kale, Wakaalladda Wararka Marooko ayaa sheegtay in hay’adaha caafimaadku ugu  baaqeen muwaadiniinta inay ku deeqaan dhiig si loo badbaadiyo dadka ku dhaawacmay dhul-gariirka.

Dhul-gariirkaan ayaa sidoo kale sababay burburka guryo la degganyahay, masaajiddo iyo dhismayaal taariikhi ah oo ku yaal Koonfurta dalka Marooko.

Wasaaradda Arrima Gudaha dalkaas ayaa sheegtay in dowladdu dadaal badan ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta iyo wax u qabashada dadkii ku wax yeelloobay dhul-garaiirka, waxeyna ugu baaqday  muwaadiniinta inay  muujiyaan degganaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here