Saturday, July 27, 2024

Muqdisho: Isbeddelka Ganacsi oo wax ka beddelay nolosha habeenkii

Muqdisho (Dawan)- Muuqaalka habeenkii ee Magaalada Muqdisho ayaa aad isku beddelay waayihii u dambeeyay, waxaadna la kulmeysaa cariiriga waddooyina iyo mashquulka goobaha ganacsiga kuwaas oo furan habeenka xilliyada dambe.

Waxaa magaalada laga furay Super Market-yo laga heli karo badeecadaha kala duwan iyo goobo ay ku nastaan qoysaska, asaxaabta shaqa wadaaagga ah ama raba in ay waqti wada qaataan.

Helitaanka wax soo saarka shirkadaha caan baxay ee dunida, isbeddelka xagga ammaanka iyo fursadaha ganacsi ee sii kobacaya ayaa ku dhiiri geliyay Qurba-joogta in ay dalkooda kusoo laabtaan kuna qaataan waqtiyada fasaxa ama kasameeyaan Maalgashi.

“Waxaan la heli karin waaye, Yurubta qaar ayaadan ka heleyn. Somaaliya, Muqdishu inaad 24 saac ay furanyihiin meel aad waxaad rabto ka heli karto aad ayaan ugu faraxsanhaay. Cabsida dadka ay sheegaan ayaa ii sawirneed laakin maanta Al-xamdulilaah, waxaan arkaa inaysan waxaas jirin. Wax dhibaato ah uma jeedi” ayuu yiri, Sakariye Maxamed Shiiqey oo ka adeegnaya mid ka mid ah suuqyada casriga ah ee laga furay magaalada Muqdisho.

Super Market-yada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay dalka keenaan Maarkooyinka Caalamiga ah oo leh macaamiil, haba u badnaadaane Qurba-joogta.

“Muqdisho hadda wax badan ayaa iska beddelay. Dhowr saano ka hor sidaan ma ahayn. Hadda wax walba waad ka ka heli kartaa gudaha dalka” ayey tiri, Axlaam Cabdullaahi oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeyb kamid ah Qurba- joogta booqashada ku timid dalka, ayaa go’aamadooda wax ka beddelay kadib markii ay arkeen heerka adeegga iyo nolosha magaalada Muqdisho.

“ Turkey ayaan degganaa oo aan kasoo guuray, hadda waxaan taaganahay meeshi ugu fiicneed waddankeyga. Dalka fursad fiican aaya jirta, ciddi ka faa’iideysaneysa, hadda waxaan jooga meel aan ku faani karo” ayey tiri, Fartuunn Shuute oo ka timid Turkiga.

Fartuun ayaa intaas ku dartay “Xiiligi adkaa waan kasoo baxany, waxaan mareynaa xilli fiican oo aan u baahneyn waddan ajnabi ah

Qurba-joogta ayaa dareemay in wax badan iska beddeleen qaab ganacsiga iyo suuqayada magaalada Muqdisho, waxeyna u riyaaqeeyn suuqyada casriga ah ee la furay kuwaas oo fududeeyay inaad waxaad rabto kawada hesho goob qura.

Marki hore waxaa xasuusta, waxaan qabnay dukaamo yar yar laakin hadda waxaan helnay supermarket-yada  waaweyn.. Qarax bis ayaa nala tusi jiray laakin hadda Al-xamdullilaah dhismo ayaa socdo”. ayey tiri, Amaal Axmed oo ka timid waddanka Norway.

Tartanka Super Market-yada Muqdisho, kuma koobna  tayada adeegga macaamiisha oo kaliya ee waxaa jira loollan adag oo ay go’aamineyso saacadaha shaqada.

Jubba Hypermarket waxa ay furantahay oo aad kasoo adeegan kartaa 24-ka saac,

Midnimo SuperMarket waxa ay furan tahay 18 saac
Hayat Mall waxay furan tahay 18 saac, halka Baraka Hypermarket oo ay bah wadaag yihiin Juba Hypermarket  ayaa furan 24 saac.

Xilliga habeen barka, waxaad ku arkeysa magaalada Muqdisho dhallinyaro adeeganaya oo aan qabin wax casbi ah, qaarkodna waxa ay dib u xasuusisay dalalkii qurbaha oo ay ku dhasheen ama ku kusoo qaateen yaraantoodi.

“Dhallinyaro waxaa jirta habeenkii dhafarta ama xilli dambe seexta. Dhallinyaradaas marka ay wax u baahdaan waxay u soo doontaan Super Market-yada oo furan xilliyada dambe ee habeenki” ayuu yiri, Caadil Cabdiqaadir oo Sacuudiga kusoo koray.

Sare u qaadidda heerka nololeed ee bulshada iyada oo laga eegayo tayada iyo adeeg la jaanqadaya dunida hormarsan ayaa ah halbeegga ganacsadatada furtay suuqyadaan casriga ah.

“Dalka hadda waxa uu sameynaaya horumar sababtaas aya keentay in ganacsatadu ku dhiirradaan inay dalka maalgasdadan dundina u ekeysiiyaan. Waxaan go’aansanay inaan hirgelino suuqyo u dhigma suuqaydii ay dadkena ka adeegan jireen markui ay Qurbaha joogeen” ayuu yiri, Xuseen Daahir Shirwac oo Maamule ka ah Baraka & Juba Hypermarket.

Nolosha habeenkii ee Muqdisho dib u soo laabaneysa waxay sidoo kale fursad siineysaa, ganacsatada yar yar ee hareeraha waddooyinka wax ku iibiya.

Ammaanka Muqdisho oo soo hagaagayay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxa uu nolosha maalinkii u kala qeybiyay; gelin hore oo shaqo ku tilmaaman iyo gelin dambe oo nasasho, nolol qoys iyo dukaameysi ku sifeysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here