Thursday, December 7, 2023

Dagaalka Israel iyo Kooxaha iskacaabinta Falastiiniyiinta oo galay isbuuci 2-aad

Gaza (Dawan)- Dagaalka Israel iyo Kooxaha iskacaabita Falastiiniyiinta aaya galay isbuuci labaad, waxayna Mas’uuliyiinta Isarel ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan inta ay ka cirib tirayaan Kooxda Xamaas.

  • Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo ballaaran ka geysanayaan goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Gaza.
  • Israel waxey duqeysay goobaha waxbarashada, caafimaadka, cibaadada, ganacsiga iyo guryo deegaan ah, sida ay baahiyiin warbaahinta gudaha Falastiin.
  • Duqeymaha Isarel waxaa ka dhashay dhimashada ku dhawaad 1900 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan carruur iyo haween, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 7690.
  • Israel waxey duqeyn ku dishay in ka badan 10 qof oo ka mid ah shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay iyo weriyaal
  • Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in aysan wada hadal geli doonin inta ay socoto duqeynta Israel
  • Kooxda Xisbullaahi ee fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa gantaalo la beegsatay goobo ka tirsan Israel
  • Qaramada Midoobay waxey sheegtay in dad ka badan 338 kun oo ku noola Gaza in ay ka barakaceen guryahoodi.
  • Qaramada Midoobay waxay caddeysay in Isarel ay duqeymo ku burburisay in ka badan 1300 dhismo kuwaas oo ku yaal marinka Gaza.
  • Kooxda Xamaas ayaa sii deysay haweeney iyo carruurteeda, sida ay baahisay Al-Jazeera
  • In ka badan 1300 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay, halka ay 3268 ku dhaawacmeen dagaalka u dhaxeeya Kooxda Xamaas ee ka dagaalanta Falastiin iyo Israel, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Israel.
  • Idaacadda Ciidamada ee Israel ayaa sheegtay in ay jiraan tiro ciidamo ah oo looga qabsaday dagaalka iyo dhimashada sarkaaiil iyo taliyaal waaweyn .
  • Israel waxey dadkeeda ugu baaqday in ay kasoo baxaan deegaanada u dhaw Marinka Gaza
  • Xukuumadda Isarel ayaa u yeertay in ka baan 300,000 oo ka rirsan ciidanka kaydka ah.
  • Muxaafadka iyo Mucaaradka Israel ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan xukuumad wada jir ah oo dagaalka maareysa.
  • Wasiirka Difaaca Isarel ayaa sheegay in Gaza laga jaray Korontada iyo biyaha.
  • Ciidanka Israel ayaa ku amray dadka deggan magaalada Gaza inay ka baxaan magaalada
  • Waxaa duulimaadyadoodi ay ku tegi jireen Israel joojiyay qaar ka mid diayaradaha caalamiga ah .
  • Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa caddeeyay in ay garab taaganyihiin Isarel, waxeyna weerarka Xamaas ku tilmaameen mid argagixiso.
  • Xogahayaha arrimaha dibadda iyo kan difaaca ee Mareykanka ayaa booqasho ku tegay Isarel, si uu garab istaag ugu muujiyaan.
  • Midowga Africa oo bayaan ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in dhibaatda jirta looga bixi karo in la helo dowalad Faslastiin ah oo madax bannaan si shacabka Falastiin u helo xuquuqdiisa asaasiga ah.
  • Qatar waxey mas’uuliyadda dusha uga tuurtay Israel, iyada oo ku eedeysay in ay iska dhega tirtay baaqyadii caalamka iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay, sida laga soo xigata wasaaradda arrimaha dibadda.
  • Qaar ka mid dowladaha Caalamka oo arrintaan dhaxdhaxaad ka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si dedg-deg ah u joojiyaan dagaalka si looga fogaado khasaare dheeraad ah.
  • Dalal badan oo Yurub ah ayaa muwaadiniintooda kala soo baxay Isarel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here