Saturday, July 27, 2024

Muxuu Deni uga hadlay khudbaddiisa?

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciiid Cabdullaahi Deni oo mudda kadib ka soo muuqday saaxadda siyaasadda ayaa  khudbad socotay In badan 26 daqiiqo kaga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkiisa iyo xaaladdda guud ee dalka.

Deni ayaa muddo ku dhaw 2 bil ku maqnaa dibadda, isaga oo safaro ku kala tegay dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya.

Siciid Deni oo khudbadiisa inta badan kaga hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa sheeegay in guulo badan laga gaaray hannaanka maamulka iyo doorashooyinka oo maraaya meel gabogabo ah.

Deni ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay isku dayeen joojinta doorashooyinka golaha deegaanka, balse ay ku guuldarreysteen.

Madaxweynaha Puntland ayaa meesha ka saaray shakiga ay Mucaaradku ka qabaan ee ah inuu sameysto muddo kororsi, taas oo deegaanka u keeni karta xasilooni darro.

Macquul ahaansha ballan qaadkiisa, waxaa la arki doona 8 January 2024 oo ah xilliga ay reer Puntland u barteen in hoggaan cusub la doorto.

Deni oo ku caan baxay eedeynta Dowlada federalka ayaa markale eed dusha ugu tuuray maadama aysan bogaadin doorashooyiinkii deegaanada ee dhawaan laga qabtay puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dareensan in aan loo qirin guul uu dadaal badan geliyay

Hadal u muuqday u jawaabidda hoggaamiyaha ku meelgaarka deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayuu ku sheegay in maamulkiisu garab taaganyahay SCC, isaga oo ballan qaaday in aan la jaro doonin xuquuqda ay ku heli jireen Puntland.

Dhinaca kale, wuxuu farrin u diray Somaliland isaga oo uga digay in ay markale isku dayaan weerarka deegaanada SCC. Dhinacyada Somaliland ayaa waayihii dambe ku guuleysatay inay ka heshiiyaan khilaafaadki ka dhex jiray, taas oo loo fasirtay in ay soo dedejisay dagaalka ay kula jiraan SSC.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa ku soo gabagabeeyay bogaadinta dagaalka ay Dowladda federalka iyo ciidamada deegaanka ee macawiisleydu kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab kaas oo xoogiisu uu hadda ka socdo qaar kamid ah deegaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here