Saturday, July 27, 2024

Dagaalku sidee ayuu u saameeyay Ganacsiga gaarka loo leeyahay?

Goobjoogayaal ku sugan Jubbada Dhexe iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda teleefannada ee Hormuud ayaa noo xaqiijiyay in maamulka Al-shabaab ee deegaanadaasi ka arrimiyo uu xayiraado ku soo rogay howlgalka shirkadda.

Xayiraadaha ayaa isugu jira; in gebi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqa howwadeennada shirkadda ee gudaha deegaannada ay Al shabaabku ka taliyaan ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Arrinkaan ayaa wiiqay howlaha maalinlaha ah ee xarumaha shirkadda, dayactirka anteennooyinka iyo gaarsiin shidaalka ay ku shaqeeyaan matoorrada yaalla xarumaha shirkadda.

Tirakoobka ay Dawan heshay ayaa xusayo in ilaa 22 Anteeno ay ilaa iyo hadda dameen, taas oo ka dhigan in deegaan ku dhow 500 Km oo isku weer ah uusan ka shaqeyneynin adeegga isgaarsiinta shirkadda.

Al Shabaab kama hadal arrintan, hormuud-na si rasmi ah uma eedeyn, balse kulan ay wax ka ogeyd shirkadda oo Muqdisho ka dhacay 31kii bishii tagtay ee July ayey odayaal caan ah dowladda ka codsadeen in wax laga qabto wax ay ku sheegeen “Burburinta Hantida Shirkadda Hormuud”.

Dadka deegaannada ay arrintan saameysay ku nool ayaa ku wareegaya adeegga shirkadda Somtel eel aga leeyahay Somaliland, iyaga oo dhiirri galin ka helaya saraakiisha Al-shabaab ee deegaannadaasi maamula. Xiriirka Dagaalyahannada Alshabaab iyo shirkadda Hormuud ma xumeyn inta la ogyahay taariikhda, balse hadda waxaa muuqta in uu khilaaf weyni soo kala dhexgalay.

Hay’ado caalami ah ayaa shirkadda Hormuud horay ula xiriiriyay Alshabaab, balse shirkaddu waxa ay doorbiddaa inaysan ka hadlin eedahan si lamid ah shirkadaha ganacsiga ee ka howlgala gebi ahaan deegaannada Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here