Saturday, July 27, 2024

FAO OO KALA SHAQEYNAYSA SOOMAALIYA KU BIIRISTA DAGAALKA KA DHANKA AH ISBEDDELKA CIMILADA

MOGADISHU (DAWAN)- Saamaynta taban ee  isbeddelka cimiladu kuma cusba Soomaaliya. 20-kii sano ee la soo dhaafay, dalka waxa soo wajahay dhacdooyin tira badan oo isbeddelka cimiladu keeneen, kuwaas oo sababay cunto yari  iyo barakaca malaayin qof.

Inkasta oo  Soomaaliya ka mid yahay dowladaha aan dadaal badan ku bixin wax ka qabashada qiiqa hawada lagu sii daayo, hadana waxey dowladdu fahansantahay inay lagama maarmaan tahay ku biirista heshiiska Paris ee lagula dagaalamo isbeddelka cimilada.

Si arrintaas looga taageero, ayaa Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Cuntada iyo Beeraha ee (FAO) waxay ka caawineysa  Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya sidii loo hormarin lahaa “ Qorshe Hawleedka Qaran”  ee heshiiskii Paris.

Qorshahaan ayaa tilmaamaaya sida Soomaaliya ku yarayn karto qiiqa hawada lagu sii daayo, la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada, iyo in Soomaaliya hesho maalgelinta la siiyo dalalka u nugul isbeddelka cimilada.

Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Cuntada iyo Beeraha ayaa Soomaaliya ku taagereysa dhammaan qalabka ka caawin kara dhimista qiiqa hawada iyo sida lagula socon karo qiimeynta isbeddelka cimilada taas oo ugu danbeyn Soomaaliya u fududeyn karta helista dhaqaalaha la siiyo dalalka ku wax yeeloobay isbeddelka cimilada.

“FAO waxaa ka go’an in ay Soomaaliya ka caawiso sidii ay ugu adkeysan lahayd mustaqabalka isbeddelka cimilada” ayay tiri, Rym Benzid, oo arrimaha deegaanka kala talisa FOA.

Dr Cabdullaahi Khaliif  oo ah la-taliyaha siyaasadda ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa aaminsan in  Soomaaliya ay si dhab ah u qaadanayso mas’uuliyadda ka saaran ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo isbeddelka cimilada.

La taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya gacan ka geysaneyso dadaalada caalamiga ah ee wax looga qabanaayo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada ee soo foodsaari kari dhammaan dunida.

Hay’adda FAO ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in beesha caalamku maalgelin ku sameyso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya si dhallinta soo koreysa ay awood ugu yeeshan u adkeysiga cimilada.

Hay’adda ayaa ka digeysa in Soomaaliya la kulmi doonto cunto yari iyo nolol xumo haddii beesha caalamku taageero la garab istaagin  dadaaladda wax looga qabanaayo isbeddelka cimilada deegaanada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here