Saturday, July 27, 2024

DDS: Kobaca dhaqaalaha Godey oo horumar sameynaya

Jig-jiga (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa xariga kajaray waddooyin waaweyn oo ay Xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ka hirgelisay Magaalada Godey kuwaas oo fududeyn doona isu socodka Magaalada gudaheeda iyo isku xirka Magaalooyiinka kale.

Sidoo kale waddooyinkaan ayaa kor u qaadi doona maqaamka Magaalada Godey, waxaana ku baxay qarash gaaraya 441 milyan oo birr.

Waddooyinka xariga la jaray oo seddex ah ayaa dhirir ahaana dhan 5.5 Km, waxaana kala fuliyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha oo 2 waddo dhisay iyo Maamulka Magaalada Godey oo 1 waddo fuliyay.

Waddooyinkaan oo bilic, qurux iyo horumar dhumuc weyn usoo kordhiyay caasimadda 2-aad ee Deegaanka ayaa sidoo kale kor u qaadi doona horumarka dhanka ganacsiga, waxa ayna ka mid tahay guulaha usoo hoyday dadka ku nool Magaalada tan iyo markii isbeddelku ka dahcay Deegaanka.

Qorshaha Xukuumadda Deegaanka waxaa ku jirta in lasii xoojiyo dhismooyinka waddooyinka, waxaana socda hadda 8 jid oo dhirir ahaan dhan 18 KM, iyada oo la dhameyn doono xilli dhaw, sida ay sheegeen Madaxda Horumarinta Magaalooyinka.

Magaalooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday sannadihi la soo dhaafay horumar ballaaran oo isagu jira dhinacayda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga, wax soo saarka beeraha iyo dhimaha nuucyadooda kala duwan iyada oo mas’uuliyiintu ballan qaadeen in ay taratan dhanka horumarka ah la gelayaan Deegaanaada kale ee dalka Itoobiya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday Mashruuca wax soo saarka ee Galbeedka Godey.

Mashruucaan oo labadii sano ee udanbaysay lagu waday dayactir iyo dib-u-habayn balaadhan ayaa laguu guulleystay in 487 Hictar lagu beero Qamadi, iyada oo la qorsheynayo in sidoo kale la beero Sisin iyo Galley.

Maareeyaha Mashruuca Galbeedka Godey, Injineer C/waaxid Muxiyadiin oo sharraxaad kasiiyay Madaxda ayaa sheegay in Mashruucu uu kufadhiyo dhul dhan 7,600 oo Hictar taasi oo marka lasoo gaba gabeeyo wax weyn kabeddeli doonta nolosha bulshada iyo wax soo saarka Deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here