Saturday, July 27, 2024

Madaxda iyo Siyaasiyiinta oo Deni ugu hambalyeyay dib o doorashadiisa

Garoowe (Dawan)- Kadib markii ay soo dhamatay doorashada Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Puntland lana xaqiijiyay in mar kale dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa si is daba joog ah isaga soo daba dhacay hambalyada ka imaaneysa madaxda iyo siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaalida.

Inkasta oo khilaaf siyaasadeed ka dhaxeeyay Deni iyo Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka hadana Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasarre Xamsa kama daahin in ay u hambalyeeyaan Siciid Cabdullaahi Deni.

Xamsa ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland”

Villa Somalia waxa ay baahisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

“Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Dhanka kale, siyaasyiinta Soomaaliyeed oo ay kawada muuqatay qoraaladooda sida ay isha ugu wada hayeen doorashooyinka Puntland ayaa si isku mid ah kuwada faafiyay hambalyo iyo duco barahooda bulshada.

Xasan Cali Kheyre: Waxaan Madaxweyne Deni u rajaynayaa in uu dadka iyo deegaannada Puntland ku hoggaamiyo horumar iyo xasillooni waarta, kana miradhaliyo geeddi-socodka dimuquraadiyadeynta Puntland.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo: Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland.

Shariif Sheekh Axmed, waxa uu qoraalkiisa ka dhigay seddex qeyb, Hambalyo, Bogaadin iyo Baaq, wuxuuna yiri:

Waxaan hambalyo leeyahay walaalkeey H.E Said Abdullahi Deni oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota

Waxaan bogaadinayaa guddigii doorashada iyo Baarlamaanka Puntland, aniga oo ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Puntland.

Waxaan ugu baaqayaa reer Puntland inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulkooda, qaybna ka noqdaan geediga dib loogu dhisayo guud ahaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here