Saturday, July 27, 2024

Deni oo magacaabay guddiga wada xaajoodka doorashada

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi u qaabilsan wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka ee la isku diidan yahay.

Guddiga ayaa ka kooban toddobo xubnood, waxaana hoggaaminaya Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirrka Arrimaha Gudaha ee Pntland.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa kadib dhowr maalin, markii uu Deni shaaciyay inuu diyaar u ayahy in wada hadal laga sameeyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Warqadda guddigaan lagu magacaabay waxaa ka muuqata in Saiciid Deni weli uusan ka tanaasulin hannaanka doorashada ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

Waxaa jiray waayadii u dambeysay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusul duub ugu jira inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.

Guddiga doorashooyinka iyo Dallada Mucaaradka ayaa soo kala saaray laba jadwal doorasho oo kala waqti ah, waxeyna mucaaradku ku doodaayan in doorashada loo galo qaabki hore laguna qabto xilligeedi.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen Deni inuu doonayo muddo kororsi iyo inuu Puntland u horseedayo xasilooni darro.

Isimida Puntland oo isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ayaan weli wax natiijo ah ka gaarin.

Dhammaan arrimahaas waxa ay keeneen in labada dhinac ay billaabaan diyaar garow ciidan taas oo muujineysa in nabadda iyo xasiloonida Puntland ay soo food saartay halis cusub.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa baaq uu soo saaray dhawaan waxa uu walaac uga muujiyay khilaafka cirka isku sii shareeraya ee Puntland, waxa uuna ugu baaqay labada dhinac in ay miiska wada hadalka ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here