Saturday, July 27, 2024

Garoomada lagu ciyaari doono tartanka Qaramada Yurub ee 2024

Hamburg (Dawan)- Dalka Jarmalka ayaa martigelin doona tartanka Qaramada Yurub ee sannadka 2024, waana markii labaad oo koobkaan lagu qabto Jarmalka kadib sannadkii 1988-kii.

Magaalooyinka kala ah Berlin, Cologne, Munich Frankfurt, Hamburg, Dortmund, Leipzig, Gelsenkirchen, iyo Düsseldorf ayaa loo qorsheeyay in lagu qabto kulamada ciyaaraha.

Halkaan hoose ka eeg Garoomada loo diyaariyay in lagu ciyaaro koobka iyo tirada dadka ay qaadi karaan.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka Jarmalku waxa ay garoonka Allianz Arena ee Magaalada Munich kula kulmi doonaan dhigooda Scotland 14-ka bisha June 2024, waxaana kulanka ugu dambeeya lagu ciyaari doonaa garoonka Olympic Stadium ee Caasimadda Berlin 14-ka July 2024.

Xulka Germany ee marti gelinaya koobka ayaa galay Group isku dheeli tiran balse Gruoup B ayaa loo caleema saaray inuu yahay Group-ka dhimashada maadama ay ku wada jiraan xulalka Spain, Italy oo difaacaneysa Koobka iyo Croatia, Waxaa iyaguna Group D isku arki doona Farance iyo Netherlands.

Halkaan hoose ka eeg sida ay isagu aadayaan xulalka ka qeyb gelaya tartanka Qaramada Yurub ee 2024.

Xulalka Germany iyo Spain ayaa ah kuwa ugu hanashada badan koobkaan iyaga oo min seddex jeer ku kala guuleystay, waxaana ku xiga Italy iyo France oo min laba jeer ku guuleystay koobka Qaramada Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here