Friday, March 1, 2024

Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG: Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib

Muqdisho (Dawan)- Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG: Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib.

Waxaa qoray Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada JFS, Senator hore ee Aqalka Sare BFS-Xoghayihii Guddiga Dastuurka

Hordhac

Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso.

23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas.

“Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan”

Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. “Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen”

Si loo helo dastuurka aan hadda haysano ee KMG ah, dawladnimada Soomaaliya waxaa ay soo martey geedi-socod dheer oo qaatey illaa 12 sano. Carta oo lagu soo dhisay dawladdii KMG, Mbagathi oo iyana lagu soo dhisay dawladdii Federaalka ee KMG, Djibouti oo marka kale lagu soo dhisay dawlad midnimo qaran, Kampala Accord iyo shirar kala duwan oo ka dhacay Garowe, Addis Ababa iyo Nairobi, ayay dawladnimada Soomaaliya oo ay kaabayaan saaxiibada caalamka kaga baxdey kumeel-gaarnimadii balse natiijadu ay noqotey Dastuurka KMG oo weli qabyo tir u baahan.

Dastuurka KMG ee ay hadda hay’adaheena ku dhisan yihiin, 2012kii ayay ergo gaareysa 825 si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayey ee 9aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado.

Si uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u anisixiyo Dastuurka KMG ah, waxaa uu isla Dastuurka KMG u dejiyay in la maro habraac gaar ah iyo hay’ado ay tahay inay ka shaqeeyaan dib-u-eegistiisa. Hay’adaha uu Dastuurka waajibiyay (Fiiri qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuurka) inay ka shaqeeyaan waa Guddiga BFS ee La-socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyadoo xukuumadda FS ay u xilsaareyso wasaarad wixii kaga aaddan.

Marxaladaha uu marayo dhameystirka Dastuurka KMG sida laga dheehan karo isla-Dastuurka ayaa ah:

  • Ansixin Ergo (825)-August 2012,
  • Dib-u-eegis iyo qabyo-tirka dhammaan cutubyada iyo qodobada Dastuurka KMG,
  • Wadaxaajood iyo heshiis XFS iyo DXDF ay ka gaaraan qodobbo gaar ah oo uu dastuurku tilmaamayo,
  • Latashiyo dadweyne, goleyaasha wakiilada DXDF iyo daneeyeyaasha kale,
  • U gudbin BFS dastuurka dib u eegis lagu sameeyay,
  • Ansixin BFS (labada Aqal 2/3 each) iyo
  • Ugu danbeyn Afti dadweyne in lagu ogolaado.

Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka?

Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hay’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG.

Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG. Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

Dhinaca kale, dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10aad ayaa fursad weyn u haysatey inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixino soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka.

Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladda Federaalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda.

Sababtoo maamulkii Farmaajo waxaa uu abuurey  deganaan la’aan siyaasadeed guud ahaan dalka gaar ahaana wuxuu dagaal siyaasadeed oo macno darro ah la galey Dawlad Goboleedyada taasoo keentay in arrimihii wada-xaajoodka u baahnaa laga heshiin waayo, waxaa ay Golihiisii Wasiirada si bareer ah u hor istaageen xubnihii Dawlad Goboleedyada ee ku biiri lahaa Guddiga Madaxbannaan taas oo uu Dastuurku waajibiyay, waxaa madaxa la isku geliyay wadashaqeynta labada aqal si aaney Dastuurka uga shaqeynin, waxaa miisaaniyaddii u asteysnayd loo diidey guddiyada howlaha Dastuurka ka shaqeynayay, markii u danbeysayna waxaaba guddiyadii laga hortaagey in Baarlamaanka labada Aqal ay geeyaan warbixintooda, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo soo saarey wareegto uu ku hor istaagayo.

Fursaddii ugu fiicneyd 12 sano ka dib

May 27 2021, shirkii heshiiska doorashada ee ka dhacay Maqdishu (Teendhada Afisyooni) ayaa waxaa laga soo saarey jadwal (roadmap) ay dawladda dhalan doonta ay ku dhameystirayso Dastuurka KMG.

Haddaba Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud asagoo taas ka duulayo ayuu maalmihii ugu horeeyay ee xafiiska yimid bilaabey latashiyo la xiriira dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka. 11 June 2022, maalin ka dib markii la caleema saarey ayuu Madaxweyne Xasan ku casuumey madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay talo ka bixiyaan arrimaha dhameystirka dawlad dhiska Soomaaliya oo uu Dastuurka ugu horeeyo.

Wixii markaas ka danbeeyay madaxda Federaalka iyo kuwa DXDF oo gudanaya waajibaadkooda kaga aaddan dhameystirka dastuurka KMG sida uu farayo isla Dastuurka KMG (qodobada 44, 54, 122 iyo kuwo kale) waxay sameysteen jadwal shaqo iyagoo yeeshey kulamo joogto kuna heshiiyay (marka laga reebo Puntland) dhammaan qodobadii wadaxaajoodka u xayirnaa ee dib-u-eegista Dastuurka una gudbiyay guddiyada  dib-u-eegista Dastuurka KMG si ay luuqad Dastuuri ah ugu qoraan uguna gudbiyaan BFS labadiisa Aqal si loo ansixiyo.

Haddaba haddii la xalliyay inta badan caqabadihii muddada soo hortaagnaa dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka oo hoggaanka Federaalka iyo kuwa DXDF ay la yimaadeen dadaal, is-aaminaad iyo rabitaan siyaasadeed kana heshiiyeen qodobadii iyaga ku xirnaa, wadashaqeynta labada Aqal sidii loo baahnaa ay tahay, guddiyada dastuurkana xubnihii ka maqnaa ee Dawlad Goboleedyada loo soo dhameystiray, markii ugu horeysayna Dastuurka uu saaran yahay miiska labada Aqal, soo ma noqoneyso fursaddii ugu fiicnayd oo lagu dhameystiri karo Dastuurka KMG? Haddiise maanta laga faa’ideysan waayo fursadaha jira goormaa iyo yaa dhameystiri doona? Soo ma dhici karto in 12 sano oo kale ay nagu qaadato sidaasna ay ku fashilanto dawladnimada Soomaaliya?

Ma nuxurka qodobada Dastuurka mise isbaaro siyaasadeed?

Iyadoo ay fursadahaas jiraan ayaa weli laga yaabaa in dadka qaar gaar ahaan siyaasiin ay ku doodayaan inay weli caqabado badan jiraan suuragalna ahayn in la dhameystiro dib-u-eegista Dastuurka. Arrimaha ay siyaasiinta qaar ku doodayaan waxaa ka mid ah; latashiyo ku filan oo aan lala sameynin qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiinta, maqnaanshaha Puntland iyo Somaliland, arrimo walaac laga muujiyay ee heshiiska doorashada ku jira sida arrinta nidaamka madaxtooyada iyo kuwo kale.

Aniga fahamkayga, arrimahaas iyo kuwo kaleba waa la xallin karaa ama waaba xallisan yihiin qayb ahaan haddii ay ujeedadu tahay in la dhameystiro dastuurka qabyada ahaa muddada 12 sano ah, ee aaney caqabad siyaasadeed looga gol lahayn.

Tusaale haddaan u soo qaato arrinta latashiyada, 12 kaas sano iyo ka horba Soomaalida shacab iyo siyaasiba waxaa ay hay’adaha u xilsaarnaa dhameystirka Dastuurka la sameynayeen latashiyo ay la socoto wacyigelin. Tusaale, muddo xileedkii Baarlamaanka 10aad, hay’adaha u xilsaan dib-u-eegista Dastuurka oo wadajira waxaa ay sanadihii 2018-2020 ugu yeraan 14 jeer booqasho ku tageen dhammaan caasimadaha Dawlad Goboleedyada iyagoo la tashiyo kala duwan la sameeyay dhammaan qaybaha bulshada iyo hay’adaha kale duwan ee maamulada. Waxaa intaas dheer in ay jireen madalo wadatashi (forumyo) sida Madasha Guddiyada Dastuurka iyo tan Wasaaradaha ee labada heer iyagoo sameeyay kulamo tiro badan oo lagu gorfeynayay howlaha iyo qodobada Dastuurka.

Tusaale kale, madaama heshiisyadii u danbeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) gaar ahaan kii doorashada uu saameyn gaar ah ku leeyahay siyaasiinta Soomaalida, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu 10-12 July 2023 kulan aan noociisa horey loo arag oo latashi ahaa ku casuumay  dhammaan madaxdii hore ee dalka oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Guddoomiyeyaashii hore ee BFS, R/Wasaarayaashii hore iyo siyaasiin kale, asagoo kala tashadey guud ahaan arrimaha dawlad-dhiska dalka gaar ahaan dhameystirka Dastuurka KMG.

Arrimaha kale ee muranka ama doodda laga keenay ee ku dhex jira heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran sida nidaamka madaxtooyada (Presidential system), nidaamka laba xisbi, nidaamka doorashada ee hal-deegaan doorasho (single constituency) iyo qaar kaleba waa kuwo dood u furan oo ay tahay in xubnaha labada Aqal ay ka doodaan sida ay xalka u arkaana guddoonshaan.

Balse haddii tan iyo 1960kii uu noo shaqeyn waayey nidaamka hadda jira ee aan ahayn nidaam Baarlamaani toos ah ama mid Madaxtooyo, miyaan iska haysaneynaa? Soo ma noqoneyso, “isla-arrintii aan ku guuldareysaney muddo dheer sameynteeda inaan si joogto ah ugu cel-celinayno anagoo fileyna natiijo cusub iyo guul?”

Dhinaca kale aniga iilama muuqato sida ay siyaasiinta qaar u dhigayaan ee ah in nidaamka madaxtooyada uu dalka u horseedayo keligii talisnimo ama cadaalad darro beelaha qaar, qaar kalena uu awood siinayo, sababtoo ah waa nidaam adduunyada ka shaqeeya oo dalalka ugu waaweyn iyo Africa inta badan ay isticmaalaan. Kelitalisnimadu kuma xirna nidaam dawladeed gaar ah maxaa yeelay wadamo kale oo haysta nidaamka Baarlamaaniga ayaaba keli-talisnimo ka jirtaa.

Dhinaca kale, haddiiba sida ay dadka qaar u dhigayaan ee saameynta beelaha Soomaalida loo raaco, su’aalaha imaanaya waxaa ay yihiin nidaamka hadda jira ee fashilka ku noqdey dawladnimada Soomaaliya noona shaqeyn waayey tan iyo markii aan dawlad helney ee 1960, miyuu wada qancinayaa beelaha Soomaalida oo dhan? Haddii ay mid iyo laba ku qanacsan yihiin soo ma jiri karaan beelo kale oo aaminsan in nidaamka hadda jiro uu dulmi ku yahay ayna daneynayn lahaayeen in laga guuro? Miyaanse heli karnaa nidaam dawladnimo oo beelaha Soomaalida ay kuwada qancayaan madaama hadda aan inta badan lagu qanacsaneyn noona shaqeyn waayey kan noo jira, kan la soojeediyayna la dhaliilayo? Waxay ila tahay nidaam gaar ah oo reeraha lagu qancinayo heli meynee aan ka abaarno nidaam noo wada shaqeynaya oo aan cadaalad guud ku heleyno, sababtoo ah xataa haddii hal reer lawada siiyo jagooyinka dawladda oo dhan kuma qancayo reerkaas dhexdiisa oo iyaga dhexdooda ayaa wax kala tirsan doona.

Dhinaca kale, doodda maqnaanshiyaha Puntland waa dood loo qaateen ah loona baahan yahay in Dawladda Federaalka ay sii weli waddo dadaalkeeda ay wadahadal kula fureyso. Balse waxaan ummadda Soomaalida u cadeynayaa, anigoo ahaa xoghayaha Golaha Wadatashiga Qaran intii ay heshiisyadaas dhacayeen, in Madaxweynaha Puntland uu ka doorbidey dano siyaasadeed oo gaar ah tan qaranka iyo dawlad dhiska Soomaaliya. Sababtoo ah marnaba miiska wada-xaajoodka lama imaanin dood la xiriirta nuxurka arrimaha laga doodayey.  Tan kale, Puntland waxaa labada aqal ee BFS ku matalaya siyaasiyiin waayo arag iyo aqoon leh oo danaha qaranka iyo kuwo Puntland ba ka shaqeynaya. Sidoo kale waxaa lagu matalaya labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, midna Guddooomiyuhu wuxuu ka soojeedaa Puntland, halka mid ka kalana ay ku leeyihiin laba xubood oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidaa darteed, dhammaan arrimahan iyo kuwo kaleba marmarsiiyo loogama dhigi karo in dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka lagu hor istaago isbaaro siyaasadeedna looga dhigo, haddii aaney ahayn “cadyahow ama ku cuney ama ku ciideeyay” oo ka dhigan “inta uu Xasan Sheekh xukunka joogo yaan la dhameystirin Dastuurka si aaney guul taariikhi ah ugu noqon!”

Maanta waxaa loo baahan yahay go’aan qaadasho kama dambeys ah iyadoo taasna ay ummadda Soomaaliyeed nooc walba shacab iyo maamulba uu ku matalo BFS labadadiisa Aqal.

Gebo-gebo

Gebogabadii waxaan aaminsanahay in doodaha qaar ee siyaasiinta aaney daw ahayn oo diiradda ay u saaran tahay oo keliya dano gaar ah oo siyaasadeed taas oo ka hor imaaneysa geedi-socodka lagu dhameystirayo nidaamka dawladnimadeena cusub ee federaalka dimuqraadiga ah uguna horeeyo dib-u-eegista Dastuurka KMG.

Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in siyaasiga Soomaaliga ah uu ka hadlo nuxurka qodobada Dastuurka iyo sida ay ula muuqato balse aan la siyaasadeyn, la reerayn lana hor istaagin dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.

Haddaba ummadda Soomaaliyeed maanta waxaa ay haysataa fursad weyn oo lagu qabyo tiro Dastuurka KMG, loona baahan yahay inay ku garab istaagaan hoggaanka Dawladda iyo Baarlaamka, si aaney nooga dayacmin fursaddan dahabi ah.  

Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.

Wabillaahi Towfiiq

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here