Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo loo doortay ka mid ahaanshaha golaha fulinta UNESCO

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa loo doortay hoggaanka rasmiga ah Golaha Fulinta ee Africa ku metali doona hay’adda UNESCO.

Golaha iskaashiga fulinta hay’adda UNESCO oo iskugu yimid kulankoodii 218-aad oo ka dhacay dalka magaaladiisa Paris ee xarunta u ahFaransiiska ayaa Ayad Muscab Yaxya u magacaabay wakiilka Afrika ee hay’adda UNESCO.

Golaha oo isku shaadhayn ku sameeyay guddiga Golaha fulinta ayaa Ayad Muscab Yaxya u magacaabay Xubinta Africa ku metali doonta Golaha Unesco.

Ayad Muscab ayaa ah safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya dalka Faransiiska.

Hay’adda UNSECO ayaa ah hay’ad u ololeysa Nabadda, Waxbarasahada, Tknoolojiyadda iyo Science-ka, waxaana ku mideysan 58 dal oo caalamka ah.

Kursigaan ayaa labadii sanaba mar la qabtaa, Jabuuti ayaana Africa ku metali doonta Hogaanka Golaha Fulinta ee Afrika ilaa 2025.

Dowladda Jabuuti ayaa baryahaan xooggeeda isugu geeneysay in kaalin fiican oo muuqato ka qaadato hoggaaminta Hay’adaha ay ku jirto ee Caalamka iyo Afrikaba, iyada oo horay u hoggaaminaysay urur goboleedka IGAD oo ah urur muhiim ka ah Qaaradda Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here