Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh: Lama hadleyno AS

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad ee labadda Gole ee Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ka sheekeeyay guulihii iyo qabadihii 18-ki bilood ee lasoo dhaafayay iyo hiigsiaga dowladda Soomaaliya ee mustaqbalka dhaw.

Dhanka amniga ayuu sheegay in la gaaray guulo waaweyn, iyada oo dagaal xoogan lagu qaaday kooxda Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay dagaal kala dhaxeeyay dowladda kana talisa dhul ballaaran.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in Al-shabaab laga xoreyay dhul ka balllaran dowlado caalamka ka jira, kaas oo gaaraya ilaa 80 deegaan oo isagu jira degmooyin iyo tuulooyin hoostaga Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Sidoo kale, waxa uu xusay in guul laga gaaray dagaalka dhanka fikirka iyo dhaqaalaha ay helaan Al-shabaab, iyada oo gabi ahaanaba la xiray qaabkii ay ku heli jireen lacagaha sidoo kalena aysan jirin maanta qof lagu khaldi karo fikirka Al-shabaab, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in wax wada hadal dhex mari karo kooxda Al-shabaab isaga oo yiri ” khawaarijta marna ma aha koox in la is horfadhiisto oo laga wada hadlo masiir dal iyo umadeed ay naga dhaxeeyn karto”

Dhanka adeega bulshada, waxa uu carrabka ku dhuftay in wax laga qabtay arrimaha waxbarashada iyada oo la qaatay 3,000 oo Macallin, qorshaha xukuumaddana ay ku jirto in lasii qaato 3,000 oo kale si loo ballaariyo loona tayeeyo hannaanka waxbarashada dalka.

Waxaa iyaduna wax laga qabtay dhinaca caafimaadka, garsoorka iyo adeegyada kale ee asaasiga u ah nolosha aadanaha, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan.

Madaxweyaha ayaa xusay inuu saxiixay 12 sharci oo ku saabsanaa dhanka maamulka, amniga, dhaqaaalaha iyo adeega bulshada, waxaana ka mid ahaa sharciga Hay’adda Nabad Sugidda Qaranaka ee NISA, iyada oo sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran ay yeesheen ilaa
7 kulan oo lagu faaqiday hannaanka garsoorka, awoodaha dowladd Federaaka iyo Maamul Goboleedyada, amniga, maaliyadda iyo doorashooyinka.

Golaha ayaa ku heshiiyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka qabyada ah, wuxuuna Madaxweye Xasan yiri ” Dastuurka qabyada ah wuxu caqabad ku yahay dhaxdeena iyo dowladnimadeena. Dib u eegsita dastuurka waxaa ka dhalan doona in Soomaaliya loo arko dal iska jaray dabarkii nuglaanta oo shaki badan abuurayay”

Xasan ayaa ugu baaqay Golaha Baarlamaanka in ay meel mariyaan heshiiska siyaasadeed ee ay soo gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si dalka loogu saaro jahawareerkii soo jiitamaayay dhowrki sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan ayaa caddeeyay in Soomaaliya laga rabay in ay ka mira dhaliso sannadkaan dhammaanaya 5 arriimood oo laba ka mid ah ay go’aankooda lahayd dowladda halka seddexda kale laga sugaayay go’aan qaadashadooda ururo iyo beesha caalamaka.

Labada Soomaaliya laga sugaayay in ay ka mira dhaliso ayaa kala ahaa, ka xoreynta dalka kooxda Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka qabyada ah.

Seddexda arrimood ee caalamka ayaa kala ahaa, go’aanka madaxda Bulshada Bariga Africa EAC ee ku saabsanaa codsiga Soomaaliya oo shalay la aqbalay, Denyn cafinta iyo Cunaqabateynta hubka oo la filaayo in bisha December ee soo socota go’aan la gaaro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here