Saturday, July 27, 2024

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Dhadhaab

Gaarisa (Dawan)- Ugu yaraan 2 asgari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen afar kale kadib markii qarax maanta lagula beegsaday duleedka magaalada Dhadhaab.

Ciidamada ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay isbitaalka Dhadhaab si halkaasi loogu dabiibo, sida ay sheegeen laamaha amniga dalka Kenya.

Laamaha amnigu waxa ay intaas raaciyeen in gaarigii ay saarnaayeen asgartaan lala eegtay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso.

Askartan ayaa ka tiirsan ciidamada sida militariga u tababaran, waxeyna kusii jeedeen in ay ka qeyb qaataan kormeerka iyo ilaalinta xarumaha ardayda Dhadhaab ee maanta u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah.

17-kii October, Booliska Kenya ayaa sheegay in ay dileen saddex nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheeynaayay in ay geystaan weeraro gaadmo ah.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Waqooyi-Bari.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here