Saturday, July 27, 2024

Caqabadaha iyo fursadaha wax soo saarka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay muddo hal maalin ah shirka sannad laha wax soo saarka dalka, kaas oo looga dooday fursadaha iyo caqabadaha hortaagan wax soo saarka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii la isku dhaafsan lahaa aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku aaddan caqabadaha iyo fursadaha ku gadaaman wax soo saarka Soomaaliya, iyada la dhiirri-gelinayo xoolo dhaqatada, beeralayda, iyo kalluumaysatada, si loo hormariyo wax soo saarkooda.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda, ganacsato, khubaro ku xeel dheer wax soo saarka iyo marti sharaf kale.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud , ayaa caddeeyay sida ay Shirkadda uga go’antahay dhiirigelinta shaqsiyaadka iyo shirkadaha leh hal-abuur muhiim u ah adeegyada ay u baahnatahay bulshada, wuxuuna xusay in sannadkaan la qorsheeyay in la garab istaago ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee hamigoodu yahay in ay bulshada wax uga soosaaraan dhanka beeraha, xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga.

Jibriil Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkii hore la dhoofiyay badeecooyin ku kacaya 6 bilyan oo doolar, taasoo wax weyn ka tartay dhaqaalaha dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in la kordhiyo wax soo saarka dalka si loo xaqiijiyo isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay xoolaha nool, kuwaasoo ka qayb qaata in ka badan 80% dhaqaalaha dalka iyo 65% heerka nolosha, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in xoogga la saaro sidii looga faa’iideysan lahaa, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Prof. Maxamuud Maxamed Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo soo xiray shirka ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo diyaar garoobo fursadaha ay Soomaaliya heyleyso dhawaan marka laga cafiyo Deynta, si loo sameeyo horumar iyo isbeddel ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka ah.

Gabagabada shirka ayaa inta badan waxaa abaalmarino lagu guddoonsiiya shakhsiyaadka sameeyay hal-abuur wax tar u leh bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here