Saturday, July 27, 2024

Digniin laga soo saaray fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO  ayaa digniin kasoo saartay khatarta ka dhalan karta fatahadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubbo ka hor roobabka iyo fatahaadaha El-Nino ee lafilayo in ay da’aan dhulka buuraleyda ah Itoobiya iyo Soomaaliya bartamaha bishaan octobar.

Sida Hay’addu sheegtay 196 meel ayay Wabiyadu ka sameyn karaan fatahaado, kuwaas oo isagu jira 170 meel oo Wabiga Shabeelle ah iyo 26 Wabiga Jubba ah.

Fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeelan doona magaalooyiinka waaweyn sida Beledweyn, Buulaburde, Jalalaqsi, Jowhar, Afgooye, Balcad iyo Kurtunwaarey.

Sidoo Kale, Wabiga Jubba ayaa laga casbi qabaa inuu fataahaado ku sameeyo magaalooyinka kala ah Baardheere, Jilib, Doolow, Saakow iyo Bu’aale.

Qeyladhaantaan ayaa ku soo aadeysa xilli Wabiga Shabeelle ee mara nawaaxiga magaalada Mahadaay uu kusoo fatahay shalay iyada oo aysan jirin wax roob ah ka da’ay deegaanda Soomaaalida.

Wabiyada Soomaaliya ayaa sameeyo fatahaado xilliyada roobabka kuwaas oo saameyn ku yeesha nolosha dadka deggan deegaanada ku teedsan Wabiyada iyo Beeralayda.

Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran, ayaa hore u sheegtay in laga casbi qabo roobab mahiigaan ah in ay ka da’aan gobollada Soomaalida ee Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar.

Hay’adda ayaa ugu baaqday bulshooyinka ku nool gobollaadan in ay muujiyaan feejignaan kana digtoonaadaan fatahaadaha ka dhalan kara daadadka roobabka iyo Wabiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here