Saturday, July 27, 2024

Golaha ammaanka oo ansixiyay in ciidamo caalami ah loo diro Haiti

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in dalka Haiti loo diro ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso dowladda Kenya, si ay laamaha amniga ee dalkaas uga caawiyaan ka hortagga rabshadaha kooxaha burcadda ah

Qaraarkan oo ay ansixiyeen 13 xubnood, laba xubnoodna ay ka ka aamuseen, ayaa heysta muddo 12 bilood ah, iyada oo qiimeyn lagu sameyn doono sagaal bilood kadib.

Ciidamada Caalamiga ah ee la geynaayo Haiti ayaa ka qeyb qaadan doona adkeynta nabad gelyada iyo ilaalinta goobaha waxbarashada, Dekadaha, Isbitaallada, iyo garoomada ciyaaraha, iyada oo ujeedku yahay in la gaarsiiyo isku filnaansho amni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Haiti, Jean-Victor Genos ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka, isaga oo ku tilmaamay “rajo u dhalatay dadkiisa”.

Dowladda Haiti ayaa markii ugu horreysay dalbatay gargaar caalami ah bishii Oktoobar ee  sannadki hore, inkasta oo aysan ka helin beesha caalamka wax jawaab ah.

Bishii July ee lasoo dhaafay dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay in ay hoggaamiso ciidamo caalami ah haddii oggolaansho laga helo Golaha Ammaanka.

Go’aanka Kenya ayaa dhaliyay in labada dowladood ay yeeshaan xiriir diblomaasi iyo iskaashi si looga mira dhaliyo qorshaha lagu doonayo in ciidamo caalami ah la geeyo dalkaas.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii ciidan loo geyn lahaa Haiti, wuxuuna tilmaamay in la dirayo koox qiimeysa xaaladda dalkaas si  loogu helo xal waara mustaqbalka dhaw.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka taagan Haiti ay ku dhinteen dad ka badan 2,400 oo qof  tan iyo billaawgii sannadkaan.

Dalka Haiti ayaa galay xaalad amni xumo iyo colaad kadib markii la dilay Madaxweyne Jovenel Moise  sannadkii 2021, waxaana xoogeystay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda kuwaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here