Saturday, July 27, 2024

Wasiirka Isgaarsiinta: Dowlado kale wax nagama gelin waxaana ilaalinaynaa anshaxa iyo sharafta bulshadeena

Muqdisho (Dawan)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, ayaa sheegay in  go’aanka dowladdu ku xireyso aaladaha baraha bulshada ee TikTok, 1Xbet iyo Telegram uu yahay mid looga gol leeyahay in la ilaaliyo anshaxa iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka oo waraysi siiyey TV-ga Dawan, ayaa xusay in istcmaalka barahaan bulshada ay saameyn ku yeesheen dhaqanka iyo anshaxa dhallinyarada taas oo keentay in wasaaraddu go’aan ka qaadato isticmaalkooda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in baraha bulshada ee la mamnuucay loo adeegsado in lagu faafiyo dayaacado, warar been abuur ah iyo waxyaabo anshax xumo ah kuwaas oo dhammaan khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed.

Go’aanka ay dowladduu qaadatay, waxaa lagu salleeyay bad qabka umadda Soomaaliyeed ee dhinacyada akhlaaqda, amniga iyo ilaalinta dhallinyarada “ ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray  walaaca laga qabo in xayiraadda barahaan bulshada ay xumeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka is ka leh ee Shiinaha iyo Ruushka.

Waxaan nahay dowlad madax bannan oo leh xeerar iyo shuruuc u agar ah, sidaa darteed go’aanadeenu waxey ku salleysanyihiin danta Qaranka oo kaliya. Cid aan ugu darnaaneyno ma jirto ee waxaan ka hortegeynaa sidii aan isaga joojin lahayan dhibaatooyinka nagu gedaaman” ayuu yiri wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooliojiyadda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in go’aankaan la qaaatay iyada oo aan lagala tashan dowladaha iska leh aaladahaan la mamnuucay, wuxuuna si cad u sheegay inaysan walaac ka qabin xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha Shiinaha iyo Ruusha.

Dawladda Soomaaliya ayaa amartay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya  adeegga internetka inay xiraan baraha TikTok, 1Xbet iyo Telegram maalinta  Khamiista ee ku beegan 24-ka bishaan Agoosto.

Go’aankaan ayaa  taageero weyn ka helay dadka u dooda ilaalinta dhaqanka bulshada iyo culumaa’udiinka, kuwaas oo aaminsan inuu wax ka tari doono la dagaalanka dhaqan xumada lagu faafiyo baraha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here