Saturday, July 27, 2024

Dowladda iyo ganacsatada oo iska kaashanaya wax ka qabashada saameynta roobka

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, si wax looga qabto dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’ay qaar kamid ah Gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah Gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Roobka ayaa sidoo kale waxyeello u geystay xoolaha, beeraha iyo waddooyinkii la isaga gooshi jiray magaalooyinka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Warakii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Roobabkii ugu dambeeyay ay jareen waddaddii isku xireysay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran, ayaa hore u sheegtay in laga casbi qabo roobab mahiigaan ah in ay ka da’aan gobollada Soomaalida ee Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar.

Hay’adda ayaa ugu baaqday bulshooyinka ku nool gobollaadan in ay muujiyaan feejignaan kana digtoonaadaan fatahaadaha ka dhalan kara daadadka roobabka iyo Wabiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here