Saturday, July 27, 2024

Maareeya ku xigeenkii Golaha Murtida oo ku geeriyooday Nairobi

Nairobi (Dawan)- Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaa magaaalad Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday, Fanaankii Maxamed Xasan Barrow oo waaydii ugu dambeysay xanuunsanaa.

Barrow oo hadda ahaa Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka Soomaaliya ayaa ka mid aha fannaaniinta fara ku tiriska ah ee dalka ku sugnaa muddadii burburka, wuxuuna kasoo qeyb qaatay wacyi gelinta bulshada iyo dib isagu soo aruurinta fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku kala firxaday dunida kadib burburkii dowladdii Dhexe.

Barrow ayaa ahaa fannaan qaada heesa kana qeyb qaatay jilitaanka isaga oo qeyb ka ahaa riwaayado caan ka noqday guud ahaan Soomaaliya sida Riwaayadii “Galbeed Waa la Xoreeyay” iyo “Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa” .

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ugu horeeyo Wasiir Daa”uud Aweys iyo bahada fanka ayaa geerida fannaanka uga tacsiyeyay umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkiisa iyo qaraabadiisa, waxeyn Ilaah uga baryeen inuu Jannada ka waraabiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here