Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee roobabka

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee roobabka ka da’ya Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato aad u adag kadib roobabkii xoogganaa ee ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.

Saalax Axmed Jaamac, waxa uu sheegay in dad ka badan 10 ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobka, iyada oo sidoo kale ay ku barakaceen kumanaan qoys, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay qaataan talooyiinka kasoo baxaya hay’adda dowladda u qaabilsan arrimaha masiibooyinka.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa ballanq aaday in dwoladdu ay qaban doonto wixii karaankeeda ah iyada oo la qorsheynayo in dadka ku go’doonsan deegaanada qaar in loo helo doomo iyo diyaarado yaryar si looga soo qaado goobaha halista ah.

Isbedelka cimilada ayaa keenyay in dadkii shalay la daala dhacayay abaaraha ee loo raadinayay biyaha, in ay maanta wajahaan dhibaatada fatahaada iyo daadadka kuwaas oo saameyn xooga ku yeelan doona nolosha dadka iyo xoolaha, ayuu yiri, Saalah Axmed Jaamac.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa ku eedeeyay in dadka qaarkood ay dhegaha ka fureysteen digniinihii iyo talooyinki ay hore usoo saaratay dowladda, kuwaas oo maanata ku jira xaalad adag oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here