Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo tartameysa kurisga Golaha Ammaanka

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tartameyso kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025-2026.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban ilaa 15 xubnood oo iskugu jira 5 dowladood oo joogto ah iyo 10 dowladood oo doorasho ku yimaada.

Soomaaliya ayaa u tartameysa sannadkaan mid ka mid ah kursiga aan joogtada ahayn , iyada oo qorsheyneysa in Geeska Afrika ku metesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladdda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in u tartamidda kusrigaan ku beddalatay xilkii Madaxweynah Baarlamaanka Adduunka oo ay uga tanaasushay dalak Tanzania, waxaana hadda ku fadhiya dalka Mozambique oo ka degi doona 31 December 2024.

192 dal ayaa si qarsoodi ah u codeyn doona, waxaana laga raba dalka ku guuleysanaya inuu helo aqlabiyad saddex-meelood labo meel ah ama 128 cod, xitaa haddii aysan jirin tartamayaal kale.

Dalki ku guuleysta kursiga ayaa ku fadhi doona muddo laba sano ah, waxeyna Soomaaliya rajo weyn ka qabtaa in ay ku guuleysato maadama dalkii Bariga Africa ka socday ee Tanzania ay ku heshiiyeen in Soomaaliya loo dhaafo kursigaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sidii ay uga soo muuqan lahayd Hay’adaha iyo Ururada Caalamiga ah, taas oo dalka ka caawin karta in miisaankii dowladnimo dib loosoo celiyo.

Shanta dal ee joogtada ah ayaa kala Maraykan, Ruush, Ingiriiksa, Faransiiska iyo Shiinaha, waxa ayna awood u leeyihiin in diidaan qaraar kasta iyada oo aan loo eegin inta kale ee taageersan.

Dhalleeceyn tira badan ayaa loo jeediyay qaab dhismeedka Golaha Ammaanka sannadihii lasoo dhaafay, waxaana dhowr dal soo jeediyeen in wax laga beddelo qaabka uu hadda u dhisanyahay oo aan ku taagnayn sharciyad caddaaladeed iyo nidaam la isku raacsanyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here